Pages

Tuesday, July 15, 2014

Messi Oo Ku Guulaystay Abaal Marinta Laacibkii Ugu Fiicnaa Tartanka.


Weeraryahanka kooxda Barcelona iyo qaranka Argentina ee Lionel Messi ayaa la gudoon siiyey biladii dahab ka ahayd ee xidigii ugu fiicnaa intii uu socday tartanka koobka aduunka.




 




In kasta oo xulkiisa lagu naanayso Albiceleste ay ku guul daraysteen inay hantiyaan koobka aduunka , kulankii gunaanadkana 1-0 guul daro ah ay ugu xambaariyeen xidigihii Germalka ka socday, goolkaas oo wakhtigii dheeraadka ahaa dhashay ciyaartii ka dhacday caasimada Brazil ee Rio de Janeiro.




 




Si kastabase ha ahaatee, Messi ayaa lagu abaal mariyey inuu xulkiisa dedaal ku keenay ciyaarta dhamaadka , isagoo u dhaliyey laacibka 27 sanno jirka ahi, 4 gool isla markaana 1 gool caawiye ka ahaa, kulamadii uu saftay oo dhan.




 




2014: Lionel Messi (Argentina)




2010: Diego Forland (Uruguay)




2006: Zinedine Zidane (France)




2002: Oliver Kahn (Germany)




1998: Ronaldo (Brazil)




1994: Romario (Brazil)




1990: Salvatore Schillaci (Italy)




1986: Diego Maradona (Argentina)




1982: Paolo Rossi (Italy)




 




Dhinaca kale, Goolwadaha Germany, Manuel Neuer oo dedaalkiisii cid kastaa markhaati ka noqotay ayaa loo aqoon saday goolwadihii ugu fiicnaa tartanka Koobka aduunka , isagoo la gudoon siiyey gacanta dahabka ah ee lagu abaal mariyo kubad joojiyaha ugu fiican, waxaana kaalmaha labaad iyo saddexaad kala noqday , goolwade Sergio Romero, oo Argentina heer kama dambeys ah keenay , iyo gool wadihii xulka qaranka Costa Rica , Mr Keylor Navas.