
Waa Murugiyo Xannuun marka ay Ishaadu ku dhacdo Gurbood la laynayo, Gaban la Ciilay oo oohinta Xejisan la’a,Gashaanti uu Weerku u Xidhan yahay,Hooyo Goblantay oo Gabal baas u dumay oo Asayda hagoogan, Aabe da’a ah oo La Go’doonshay meel uu u Ciirsadana Garan la’a.
“Aax,Ax Ax” Dhawaqu ii daranaa oo u Xumaa Dhegahayga Halkuu Qallinku u arooray Waa Geyiga iyo Arlada Reer Falastiin, Waa Qaza iyo Dhulkii amranaa.
Imisaa dhintoo Go’ay intee dhaawac oo taal, Dhaymihiina loo hayn,Waa Mararka la is weydiiyo Meeye Kuwii Islaamka loo samaystay ee Ilaalinta Xuquuqdeena ku Maxaafsada,Aaway Maxkamada Sheegata inay ka garnaqdo dhagaraha adduunku.
Wuxuu ku Cel Celiyay {Waa Xasuuq,Waa Xasuuq Waxa aan arkayo} hadalku wuu Socday ilaa ay dhawaqiisa ka kor martay Ilmada dhabanadiisa ka qul qulaysa Isla markaana uu awoodi waayay inuu Hadalku ka soo baxo,Sawir qaadihiisii ayuu gacanta ugu inshaaray inuu duubista ka joojiyo si uu oohintiisa u dhamaysto.
Kaamaradii qadar kooban ayay dul istaagtay bidhaan aan ka fogay Waa Maydad laga soo qufayo Guryo ku dumay ,Waaxyo Jidh oo goo’goy ayaa la arkayaa .
Ilbidhiqsiyo gudahood ayaa la arkayaa Weriyihii barnaamijka rabay inuu daadihiyo oo uu holaday inuu la hadlo Oday Waayeel ah oo dhiniciisa bidix ka taagan Cod Xabeebi ku ladhan tahay ayuu ku weydiiyay halkani maxay ahayd Waxa uu Odaygii Sheegay in Bogcada ay taagan yihiin aqalkii ka dhisnaa iyo dadkii ku jirayba ay ku Shuf beeleen Sayruukh uu Saancadaale Yuhuudi ahi ku soo riday oo Weliba uu Maanta ku faanayo Sida arxan darida ah ee uu dadkaas birimagaydada ah u laayay.
Weriyihihii ayaa Odaygii hadana weydiiyay Tobankaas qofi ma waxay ahaayeen Dhallinyaro waxa uu Odaygii Waayeelka ahaa kaga hal Celiyay “Maya Walaahi Dhamaantood waxay ahaayeen Caruur aad u yar yar oo aan midkoodna gaadhin da’dii qaangaadhka Marka laga reebo hooyadood”.
Madaxa ayuu qabsaday oo Kacay Misana fadhiistay iyadoo uu dhex galay Badweyn Murugo iyo oohini ku lamaan tahay Waxa uu ku Cel Celiyay “Subxaanalaah,Subxaanalaah” Waxa uu dhulka ku tuuray Mikrifoonkii Kaamarada iyo Waraaqo uu Sitay.
Keligii Ma aha Xitaa Sawirqaadihiisii ayaa Oohinta ku daray iyadoo la maqlayay Cod Weriyaha ku leh Inaga Keen Walaal Meeshan Dhagaysiga Sheekadan iyo Mid kale oo la Mid ah Ma qaadi Karno. Wariyihii ayaa ku hadaaqay Kelmado ay ka mid yihiin Bal Baxay Galabsadeen Ubadka reer Falastiin,Maxaa loo laynayaa da’dii soo kacaysay .
Ma u malaynaysaa in Barnaamijkaas oo Shan iyo Toban daqiiqo socday Isla markaana aan ka daawaday Telefishanka Aljazeera qaybtiisa ku Waranta Luuqada Ingilishku inuu Sii Socon Waayay .
Yuusuf Maxamed Ismaaciil
Hargeisa, Somaliland
+252 2 4419938