Tuesday, July 8, 2014

Maxamed Biixi: Ma jiro Khilaaf ka taagan biyo-balaadhinta Hargeysa”Daawo


Xukuumadda iyo Madaxdhaqameedyo sheegay  isfaham laga gaadhay Mashruuca biyo balaadhinta Hargeysa oo Khilaaf laga sheegay…Hoos ka Daawo Muuqaal




BIXIHargeysa(GNA)-Xukuumadda iyo xubno ka mid ah Madaxdhaqameedka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in is afgarad fiican laga gaadhay mashruuca Biyo-balaadhinta caasimada Hargeysa, iyagoo beeniyay warar ay sheegeen in laysla dhex marayo oo ku saabsan  khilaaf aan jirin oo Bulshada lagu jahawareeriyay.




Kaddib kulan maanta ay  ku yeesheen xubno ka socda Golaha Wasiirrada oo uu horkacayo Wasiirka arrimaha dibada iyo madaxdhaqameedyo , xarunta Wasaaradda Arrimaha dibada, waxa ay labada dhinac sheegeen inay si wada jir ah uga shaqaynayaan hawsha biyo balaadhinta, jirina wax muran ah oo jiraa haba-yaraartee.




Wasiirka arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis iyo Afhayeenka Madaxdhaqameedka Somaliland oo si wada jira Warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay in Shirka ay wadeyaasheen labada dhinac lagu dardar gelinyay shaqada guddida qaran ee ka shaqaynsa sidii biyo loo gaadhsiin lahaa Xaafadaha Magaalada ee Biyo la’aantu ka jirto.




Saddex Waaxood, ayay sheegeen in laga foodh-yeeli doono Mashruuca loogu talo-galay biyo balaadhinta, kuwaasoo kala ah Maxamuud Haybe, Gacan-libaax iyo Axmed-dhagax, kuwaasoo ay sheegeen in baahida ugu daran ee xaga biyuhu ka jirto.




Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis, oo ugu horayn hadlay, ayaa dhinaca kale caddeeyay inay xukuumaddu awoodda saari doonto sidii dadka biyo nadiifa loo wada gaadhsiin lahaa, dalka oo dhan.




“Maanta  waxaan la shirnay Odayaashii, waxaan doonaynaa inaan dadka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan u caddeyno in guddida biyaha xilka ugu weyn ee saarani tahay in dadka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan biyo helaan.”ayuu yidhi Maxamed Biixi oo dhinaca kalena tilmaamay “biyuhu waa nolol qur’aankaa lagu sheegay, sidaa darteed waxaan doonaynaa inay dadkeenu biyo ka haqab beelaan. Dadka wax ina siiyaa (Qaadhaan bixiyayaashu), waxa ugu horeeya ee ay wax inagala qabanayaan biyuhuu noqonayaa”.




Wasiir Biixi oo hadalka sii wata ayaa sheegay in Shirkan isfaham lagu gaadhay “Shirkaa hada dhacay waanu isku afgaranay, beentii iyo belaayadii suuqa la geliyay ayaanu caddeynay”ayuu yidhi Wasiirku.




Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo isna u hadlay dhinaca hogaan dhaqameedka Shirka la yeeshay Wasiirrada ayaa sheegay “ maanta waxaanu la shirnay Wasiirradii Qaranka oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha dibaddu. waxaanu ka wada hadalnay biyihii beryahanba caasimada laga waday oo saddex Xaafaddood laga waday, Gacan libaax, Maxamuud Haybe iyo Axmed-dhagax, markaa  si wanaagsan oo sharaf leh ayaa odayaashii ka yimi deegaanka  ee umaddu soo wakiillatay oo isugu jira Cuqaal, Wax-garad iyo ganacsato iyo Guddida Wasiirrada ee Madaxweynuhu biyo balaadhinta u saaray isula afgarteen.”ayuu yidhi.




Suldaan Xiiray oo sii hadlay ayaa meesha ka saaray jiritaanka Khilaaf ka taagan hawshan, waxaanu yidhi “markaa waxaan leeyahay yaan umadda been loo sheegin, yaan umadda la kicin.” – “ biyuhuna waa nolol ee qolo maaha, qoysna maaha, saddexdaa xaafadood umadda degen ayaa inay biyo helaan hawshu u badnayd.”.




Halkan ka Daawo:




Somaliland ayaa Mashaariic badan oo dhanka biyaha ah ka heshay labadii sanno ee ugu dambeeyay midowga Yurub iyo Dawladda Imaraadka Carabta, waxaana mashaariicdaasi qaybta ugu badan loo qoondeeyay Magaalada Hargeysa oo aanay xaafaddo badan biyuhu gaadhin tobankii sanadood ee la soo dhaafay.




Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: curad1986@hotmail.com