Rayul Caamka Somaliland: waa in Gabadha la guddo, waayo..
Guddida Qaran ee Xuquuqal Iinsaanka“waa la joojinayaa Gudniinka Fircooniga”
Wasiirka Diinta “Waxan waxa wada Gaalada, olole badanna waa loogu jira...”
Xildhibaan Siciid Cilmi: dad Islaam ah oo Diin iyo Mahdab haysta ayaynu nahay, Masuuliyad baana naga saaran Diinta oo waxaanay oggolayn ma oggolaanayno..”
hoos ka akhri, Khilaaf Diimeed oo ka dhashay Aasaaska xeerka Xakameynta Gudniinka Fircooniga ah oo ay Marwada Madaxweynuhu horkacayso..
[caption id="attachment_91537" align="alignleft" width="300"]
Qalabka gudniinka [/caption] Hargeysa(GNA)-Somaliland, Waxa cirka isku shareeray muran ku saabsan Xeerka xakameynya Gudniinka Fircooniga ah ee Gabdhaha lagu sameeyo oo ah caado dhaqameed la doonayo in dunida laga suulayo wakhti aan qiyaas loo qaban.
Murankan gudaha ka socda ayaa ku soo beegmaya xili Dalka ingiriiska Shalay lagu soo gabagabeeyay Kulan Caalami ah oo looga hadlayay dabar-goynta Gudniinkaasi oo ay dawladda Ingiriisku soo qabanqaabisay, kaasoo ay Somaliland uga qayb gashay Marwada Madaxweynaha Aamina Sheikh Maxamuud Jirde (Aamina-waris).
Shirkaasi ayaa hoosta lagaga xariiqay in la qaado Olole Caalami ah oo lagu joojinayo sii socoshada caado-dhaqameedka Gudniinka Gabdhaha oo wali lagaga sii dhaqmo in ka badan 25 Dal.
Bulshada Soomaalida ayaa fikirado kala duwan ka haysta Gudniinka Gabdhaha lagu sameeyo “Gabadha hadii la tolli waayo maxaa lagu falayaa. Arrintaasi waa mid dhaqan ahaan iyo eddaab ahaanba wanaagsan”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah koox dhalinyaro ah oo meel kaga doodayay Mawduucan maanta, kaddib markii hadal haynta xeer qabyo ah oo Gudniinka lagu joojinayaa soo baxday.
Mid kale oo ka mid ah Dhalinyaradaas, ayaa sheegay “Gudniinka Furcoonigu wuxuu halis ku yahay Caafimaadka Hablaha, hadana waa wax dhaqan la aaminsanyahay ah. Anigu kolay Gabadha aan dhalo waan gudi lahaa”ayuu yidhi.
Hase ahaatee mid saddexaad oo sheekada soo galay ayaa ku doodday “waar anigu waxan Gudniinka lagu sheegayo wax badanbaan uga soo joogay. Waxaan u arkaan inoo dhibaato weyn ku hayo oo xaga caafimaadka ah Gabdhihii hore loogu sameeyay”ayuu Gobanimonews u sheegay Ninka oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, xaasn leh.
Hindisaha Komishanka xuquuqal Iinsaanka Qaranka ee Xeerka Gudniinka ee Muranka abuuray
“Labaatankii sano ee ugu dambeeyey ee ay Somaliland jirtay waxa lagu jiray ololayaal ballaadhan oo lagu xakamaynayo Gudniinka Hablaha, waxaanu hadda marayaa meel aad u fiican, waxaanannu ka galnay olole ballaadhan in la joojiyo ama la xakameeyo Gudniinka lagu sameeyo Hablaha yar-yar”sidaasi waxa Warbaahinta u sheegay Jimcihii shalay Madaxda Komishanka Xuquuqal Iinsaanka Fadxiya Xuseen Jaahuur.
Guddoomiyaha ayaa faahfaahin ka bixisay Xeer lagu xakameynayo Gudniinkaasoo dawladdu samaynayso, “Xeerkan immika la curiyey ama la sameeyey waxa uu xakamaynayaa dhammaan qaybaha Gudniinka oo dhan. Xagga Dhakhaatiirta haa, in gebi ahaanba way ka soo horjeedaan (Gudniinka Gabdhaha) in gebi ahaanba la tirtiro ayey raacsan yihiin, Bulshaduna sidaas ayey raacsan tahay.”
“Laakiin, qaybo ka mid ah Xukuumadda ayaan odhan karaa (way ka soo horjeedaan), waayo? Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaaftu iyadu waxay leedahay hallagu dhaqmo Sunnihii, markaa waxa weeyaan qaybahaa waa lagu kala yara duwan yahay fikir ahaan. Laakiin, Xeerkani wuxu koobsanayaa”ayay tidhi Fadxiya.
Wasaaradda Diinta ayaa ka soo horjeesatay qorshaha Komishanka Xuquuqal Iinsaanka dawladdu wado ee lagu tir-tirayo Gudniinka Gabdhaha, inkasta oo ay Diideen kan dhaawaca loogu gaysanayo Gabadha ee Fircooniga.
“Waxa weeye annagu haddaannu nahay Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland ma oggolin in Hablaha lagu sameeyo Gudniinka Fircooniga ah iyo Qodobka ama toltolidda Hableheenna, Diinta Islaamku-na ma oggola Gudniinka Fircooniga ah ee Gabdhaha. Laakiin, Gudniinka Sunniga ah Mahdabta Diinta Islaamka ee Shaaficiyada ee aynu ku dhaqannaa way oggoshahay”sidaas waxa yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaafka Sheikh khaliil Cabdilaahi Axmed oo Wargeyska Himilo u Waramay.
Wasiir Khaliil waxa uu sheegay in Mashruucan ay wadaan Gaaladu, balse dalalka Islaamka qaarkood uu ka hirgelay,inkasta oo aanay Mahdabta Diinta Islaamka ee Shaaficiyadu ogolayn.
Waxa uu yidhi; “Waxan waxa wada Gaalada, olole badanna waa loogu jira, annagana way noo yimaaddeen qolyaha wada in gebi ahaan la tirtiro Gudniinka Gabdhaha, kaasoo ka hirgelay waddamada Islaamka ah qaarkeed ee Pakistan iyo Khaliijka, Sucuudigana way ka jirtaa oo ay ka daayeen Hablohooda in wax gudniin ah lagu sameeyo, waxay nagu yidhaahdeen maxaad kaga duwan tihiin dalalka Islaamka ee joojiyey gudniinka Gabdhaha oo dhan.”.
Hay’adda Xeer Dejinta.
Wargeyska Himilo ayaa dhinaca kale waraystay laba xildhibaan oo ka tirsan golaha Wakiillada, kuwaasoo midkooda arrimaha Bulshada iyo Diinta Guddihoosaadka golaha la soo doorto ee Baarlamanka madax ka yahay.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ah mudane in badan ku soo jiray Baarlamanka ayaa Wargeyska u sheegay “Adeer dad Islaam ah oo Diin iyo Mahdab haysta ayaynu nahay, annagana Gole ahaan ama Guddiyada Shuruucda ee Golaha Wakiilladu waxaannu Masuul ka nahay ilaalinta wax Sharci kasta oo Diinta ka hor-imanaya, markaa mar walba xagga Diinta Islaamka ayaannu nahay.”
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Arrimaha Bulshada iyo Diinta ee Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan, ayaa sheegay “Guddi ahaan Masuuliyad baa naga saaran arrimaha Bulshada Somaliland, markaa Sharcigaasi wali nama soo gaadhin ee marka uu na soo gaadho diyaar baannu u nahay inaannu ka shaqayno Xakamaynta Gudniinka Gabdhaha lagu sameeyo ee qofka la jarjarayo ee la tolayo ee dhibta badan ku haya Gabdheheenna.” ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan.
Mudane Caynaan oo ka jawaabayey Su’aal aannu ka weydiinnay inay Guddigoodu isugu yeedhay Ururrada Bulshada, Dhakhaatiirta iyo Komishanka Xuquuqda Aadamaha ee Qaranka Somaliland, isla markaana kulan iyo wada-tashi ay yeesheen, ka dib ay isla go’aamiyeen in guud ahaanba Gudniinka Gabdhaha la joojiyo, Sharci-na laga sameeyo, ayaa ku jawaabay: “Sidaa arrintu maaha, wuu jiray Kulankaas iyo wada-tashigaas, waana la isla soo qaaday, balse qorshuhu maaha in guud ahaan Gudniinka Gabdhaha la joojiyo, ee Gudniinka Xaaraanta iyo xad-gudubka ah ee Fircooniga ee aanay Diinteenna Islaamku-na oggolayn weeye ka aannu leenahay halla xakameeyo. Laakiin, guud ahaan Gudniinka halla joojiyo ma lihin, mana suuragalayso in wax Diinteennu oggoshay aannu joojinno ama aannu xaaraantinnimayno, mana dhici karto, marka Sharcigaasi na soo gaadhana waannu eegi doonnaa.” Ayuu yidhi.
Marwada Madaxweynaha iyo shirka London
Marwada Madaxwaynaha Somaliland Aamina-waris oo u warantay Wargeyska Somalilandtoday, kaddib dhamaadka Shirka London ee Gudniinka looga hadlay ayaa faahfaahin ka bixisay wixii ka soo baxay shirka.
“Shirku waxa uu ahaa shir caalami ah oo lagaga hadlayay gudninka fircooniga ah iyo caruurta yaryar ee guurka lagu khasbo, konton Dal oo adduunka ka tirsan ayaa ka soo qayb-galay, hay’daha jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa ayaa ka soo qayb gashay, UNCEF, WHO iyo WFP iyo qaar kale oo badan, waxa ka soo qaybgalay hay’adaha NGO-yada loo yaqaan, waxa ka soo qayb galay qaar iyaga gudniinka fircooniga ah lagu sameeyay ama lagu khasbay iyagoo yaryar inay guursadaan, waxa ka soo qaybgalay bulsho fara badan oo dhalinyaro u badan oo olole ugu jira sidii arrintaa loo joojin lahaa oo caalamka oo dhan ka kala yimid, Dawladda Ingiriiska ayaa xoog uga soo qayb-gashay, waxa ka hadlay raysal-wasaaraha Ingiriiska David Cameroon.
waxa ka hadlay raysal-wasaara ku-xigeenka Ingiriiska, waxa ka hadlay wasiirka Arrimaha Dibadda, waxa ka hadlay ugu yaraan 7 wasiir oo dawladda ingiriiska ah, Xoghaya qaramada midoobay Bankin Moon ayaa isna Shaashadda shirka laga soo saaray (oo kaga qayb-galay) iyo Madaxa qaramada Midoobay u qaabilsan haweenka, markaa shirkaasi waxa uu ahaa shir caalamku isugu yimid, waxa ka soo qaybgalay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Norway,
wasiir ka socda Sweden iyo madax kale oo yurub iyo Afrika ah , waxaa ka soo qaybgalay laba marwo Madaxwayne, aniga iyo marwada Madaxwaynaha dalka Bukino Faso, labadayadaa ayaa wax marwooyin Madaxwayne ah ka soo qayb-galnay, markaa shirku waxa uu ahaa shir la isku arkay, shir wax ku ool ah ka soo baxay ayuu ahaa oo aqoon la kala faa’iidastay ayuu ahaa..”ayay ku warbixisay Aamina-waris.[caption id="attachment_91538" align="alignleft" width="300"]
Marwada Madaxweyne Siilaanyo iyo diidmada FGM[/caption]
Si kastaba ha ahaatee Bulshada ayaa war iyo tafaasiil arrintan lagu bal-balaadhinayo ka sugaya Hay’addaha arrimaha Diinta iyo Dhaqanka ka shaqeeya ee dawladda oo ismaan dhaaf dhexdooda ka muuqdo.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com