Alshabaab oo ka faa’idaysanaya wakhtiga kala guurka ah ee Hay’addaha ammaanka isbedelka lagu sameeyay ka dhashay.Warbixin
Baydhabo(GNA)-Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, taasoo magaalo madaxna u ah maamulka lixda Gobol ee dhawaan la sameeyay, duqeymo loo adeegsaday hubka culus ayaa loo geystay caawa, xili ammaanka la adkeeyay.
Duqeymahan ayaa dhacay goor dambe oo dadku kala xerooday, inkasta oo ramadaanta la soo jeedo ilaa wakhtiyada dambe.
Weerarka ayaa lagu bartilmaameedsaday xarumo kale oo dawladdu leedahay, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen goob-joogeyaal.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaasoo ay deg deg uga jawaabeen ciidanka dawladda iyo kuwa amisom ee Magaalada ku sugani, ilaa hadeerna lama hayo khasaare sugan oo ka dhashay, wallow waxyeelo jirto.
Dad goob-joogeyaal ah ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in ciidanka ammaanku hawl-galo nabad-gelyada lagu sugayo qaadeen markii weerarku dhacay kaddib, kaasoo ay ka sameeyeen qaybo badan oo ka mid ah magaalada.
Magaalada Baydhabo ayaa beryahan dambe degenayd, siiba intii ramadaaan lagu guddo jiray, kaddib markii la soo afjaray khilaaf u dhexeeyay laba maamul oo muddo ka hor hal looga wada dhawaaqay halkaas.
Weerar galaaftay nafaha dad tiro badan ayaa bilihii la soo dhaafay ka dhacay Magaaladan, oo sanadkan laga qabsaday kooxda Alshabaab, waxaana weerarkaas sheegtay Ururka Alshabaab.
Muqdisho 24kii saac ee u dambeeyay
Dhinaca kale, qaraxyo dhimasho keenay iyo toogasho dad loo geystay ayaa ka dhacay magaalada muqdisho 12-kii saac ee u dambeeyay.
Magaalada waxa kasii socda dilalka qorshaysan iyo qaraxyada ka dhanka ah saraakiisha,askarta iyo madaxda dowladda Federaalka iyo dadka rayidka ah.
Sida lagu baahiyay mareegaha xarakada Shabaabka xoogag hubeysan ayaa caawa laba askari ku dilay isbaaro ku taalla degmada af-gooye.
Ma jirto cid sheegatay weerarkaas.
Sidoo kale tiro dad rayid ah oo qof dumar ahi ku jirto iyo askar ayaa lagu dilay toogasho iyo qaraxyo banbaaano oo maanta ilaa caawa ka dhacay Magaalada caasimad aah.
Kooxda alshabaab ayaa sida muuqata ka dambeysay weerarradaas, iyadoo ay warbaahintoodu warar ku saabsan baahisay.
Dhacdooyinkan ayaa dhacay xili afar habeen ka hor si fool xun loo weerar madaxtooyada Magaalada Muqdisho oo ah meel amnigeeda aad loo adkeeyo.
Weerarkaas ayaa galaaftay Taliyeyaashii Bilayska iyo nabad-sugida Somaaliya, iyadoo sidoo kale isla habeenkii uu dhacay arroornimadii xigtay Wasiirka amniga loo magacaabay sarkaal nabad-sugid ah.
Isbedelka lagu sameeyay Hay’addaha nabad-gelyada qaranka ayaan wali waxba ka bedelin xaalada ammaan ee caasimada oo sii xumaanaya.
Dagaalyahanada Alshabaab ayaad moodaa inay ka faa’idaysanayaan wakhti kala guurka ah ee ay maamulada cusub is bedelayaan Hay’addaha ammaanka.
Si kastaba ha ahaatee daadinta Dhiiga shacbiga iyo askarta dawladda ee ku soo beegmay xilliga ramadaanta ayaa walaac weyn laga muujinayaa dhulka Somalia.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com