Saturday, July 19, 2014

Lama dooranayo Kulmiye iyo Musharixiisa 2015-ka.


Asalamu calaykum waraxmatulahi wabarakato.




Waxaan halkan aad uga salaamayaa bahda Shabakada Caalamiiga ee Hadhwanaag.ca




Waxaan la yaabay wasiirka maaliyaadda cabdicasis samaale oo ayaamo ka hor saadalinayay inuu xisbigiisa Kulmiye ( Dulmiye) ku guulaysan doono doorashadda 2015, isago dhowr qodob ka hadalay oo aano garanayno waxay ku tusbaxaystaan waxqabad iyo horumar ay xukuumaddano fulisay, hadaba waxan u cadenayaa wasiirka iyo afarta kale wasiir ee beenta silaanyo u sheega inuu wadanko marayo meel heer sare laakin maahayno waxaad ka hadlaysaan mudanayaal !!,sawirka beenta ah ee u sheegtan silaanyo muwaadinku wuu la socda riyaada aad madaxtoyadda ku xidhatayn.




 




Sawirka dhabt ah ee wadanku marayo waa meel walaygii marin hadi noqoto




xaga caafimadka ,tacliinta ,maciishadda, shaqo la’aanta, tahriibka, amniga,musuq maasuqa, saxaafadda iyo xoriyadda, wax soo saarka, siyaasadd xumida, sida awgeed waxaan taabanaya dhowr qodob ku fashilantay xukuumaddan iyo afarta guulwadaynteeda !!.




1-      Tacliinto waxay maraysa meel aan tayo lahaayen waayo jaamacaddihi lacagta ah bay dawladdu u rartay xaga ay jaamacadda hargeysaa kobcin lahayd oo balash uga dhigi lahayd muwaadiniinta , laakin tacliinta dalka xukuumaddano way iibisay oo qandaraas ayuu noqdo waana ayaan darro ,waad arkaysin sida loo dilayay ardayda jaamacadda hargeysaa oo rasaas loogo ogaadh sanayay maa xukumaddan baa ixtiraaxn u haysa ubaxi dalka??!! ila maaha.




 




 




 




2-      Maciishada dalkeena maanta waxay maraysa cirka waayo maanta muwaadinki ma xamili karo dal aan wasaaradda ganacsigu xakamayn karin sicir bararka ay xukuumaddano la timi dalka 2010 ila maanta, maanta somaliland maaciishad ahaan bay ugu daran tahay qofka 100$ qaata amba loo soo dira maanta kuma filna, marka xukuumaddan ku faanaysa mushaharooyinki bay 100% ka dhigaty maanta wax uma tarayso ninka shaqeya , sicir bara xoogan ba dalka ka jira oo ay mas’uul ka tahay xukumaddan silaanyo iyo 3da ganacsatada ah ee madaxtoyadda ku xidhan.




 




 




 




3-      Amni ahaana maanta visa yaashi bay itoobiya kala noqotay somaliland hada waa maanta, wasiirka arimaha dibadduna wuxu raba inuu been naga dhaadhiciyo xudud ba la furaya!!, xukuuaddan maant jirta waxay dayacda maqaamki iyo kolsoonidi ,bal orda maanta taga xafiiska itoobiyado ay ku leedahay hargeysaa waxad ka helaysan jawaab waafi yaa!!.




 




 




 




4-      Iyadoo aan ognahay mashaariicda wadooyiinka ay xukuumaddano wadd waxa maal galiyay hay’ado ka