Askar Ciidanka Qaranka Somaliland ka tirsanayd oo la sheegay in Weerar jid-gooyo ah lagu dilay iyo wararkii u dambeeyay ee jiidaas..
Laascaanood(GNA)-Tiro Askar ah oo ka mid ahayd Kolanyo Ciidanka Qaran Somaliland ka tirsan, ayaa la xaqiijiyay inay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaadheen, weerar jid-gooyo ah oo ay Masuuliyadiisa sheegteen Maleeshiyaadka Khaatumo ee ka soo horjeeda joogitaanka Ciidanka Somaliland ee Gobollada SSC.
Weerarka jid-gooyada ah oo saaka abbaaro siddeedii subaxnimo ka dhacay deegaan la yidhaado xero-daayeer oo u dhexeeya Degmada Kala-baydh iyo Magaalada Laascaanood, ayaa goor sii horaysay dadka deegaanku xaqiijiyeenin in hal askari kaga dhintay Ciidanka Somaliland,tiro kalena la dhaawacay,.
Waxa kale oo wararka qaar sheegayaan in ilaa saddex askari oo midkood laascaanood dhaawac ahaan ugu dhintay, lagu dilay weerarkaas, isla markaana kooxda fulisay saddex Nin oo maxaabiis ah looga qabtay, maxaabiistaasoo loo soo dhaadhiciyay dhanka Magaalada Burco.
Afhayeeno u hadlay labada dhinac
Hase ahaatee Afhayeen u hadlay hogaanka sare ee Khaatumo, ayaa Gobanimonews u sheegay in khasaaraha ay u geysteen Ciidanka ay weerareen intaas ka badanyahay, isagoo dhanka kalena meesha ka saaray in maxaabiis lagaga qabtay.
Dhinaca kale, afhayeen u hadlay Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa sheegay in Ciidanka la weeraray ay iska difaaceen dablayda hubaysan , isla markaana ay caydhsanadeen.
Somaliland
Gaashaanle Maxamed Iimaan oo Warbaahinta Waaheen uga waramay dagaalka dhex maray Maleeshiyaadka ayaa yidhi “Waxa aanu deganahay Koonfurta Magaaladda Laascaanood, waxaanan deganahay laba meelood oo yara kala durugsan.
Hadaba xalay ayaanu ka tagnay oo waxa aanu ku soconay xero kale ayaanu ku soconay, dabadeedna waxoogaa yar oo ciidan ah oo ah kuwa nabad diidka ah, ayaa jid goyn noo yara galay, halkaas bay dabadeedna shaqaaqadu ka yara dhacday, labadayada dhinacna waxyeeladu may badnayn, Laakiin waa niman budhcadaynayoo meeshii waanu ka saarnay, ” ayuu yidhi.
Mar wax laga waydiiyay xaalada ay ku sugan yihiin ciidamada qaranka Somaliland ee jiidaas ku sugan waxa uu ku jawaabay “Xaalada ay ku sugan yihiin ciidamada qaranku waa mid iska wanaagsan, mana jirto iminka wax dhibaato ah haysataa, aad iyo aadna way u fiican yihiin, waana niman dalkooda iyo dadkoodaba difaacaya” ayuu yidhi.
Khaatumo
Hase yeeshee Maxamuud Sheikh Cumar oo sida uu sheegay ah Agaasimaha Arrimaha Gudaha ee Maamulka Khaatumo ayaa daboolka ka qaaday inay Maleeshiyaadkoodu ka dambeeyeen weerarkaasoo uu ku tilmaamay mid ibo fur u ah guluf colaaddeed oo ka bedelin sidii hore “Weerarka waxa geystay Ciidanka Khaatumo, waxaanu ahayd jid-gooyo qorsheysan, markaa adigu laba gaadhina mid waa la gubay midna wuu ka qalimay, ciidankiina dhimasho iyo dhaawacba waa la gaadhsiiyay”ayuu u sheegay Gobanimonews.
Maxamuud, ayaa sidoo kale beeniyay in maxaabiis laga qabtay , waxaanu ku dooday inay Ciidanka Somaliland dagaalku dhamaaday dad rayid ah qabqabteen, kuna tilmaameen Maxaabiis.
Waxaanu yidhi“Dadka ay qabteen ee ay ku sheegayaan inay ka mid ahaayeen Nimankii jid-gooyada galay waa dad shacab ah oo markii Dagaalku dhamaadday kaddib ay ka qabqabteen eeriyadii wax ka dhaceen,waxaana ka mid ah Oday da’ ah oo indho la’, laakiinse annaga Ciidankayagu waxay ahayeen dad tirsan oo la yaqaano qof la qabtayna ma jiro”.
Afhayeenka u hadlay Khaatumo, ayaa sidoo kale daboolka ka qaaday waji cusub oo ay ku waajahayaan Dagaalka kala dhexeeya Ciidanka Qaranka Somaliland, kaasoo uu sheegay inay dadka rayidka ahi ka qayb gelayaan.
“weerarkani wuxuu qayb ka yahay istaraatijiyad cusub oo aanu u bedelay dagaalka, dadka reer Khaatumona waxay ku wacyi-gashanyihiin in qof kasta oo arka Gaadhi Ciidanka Somaliland leeyahay uu Nabar gaadhsiiyo, kaan xabadda haysan waa inuu Dhagax ku tuuraa, waayo waxa lagu soo duulay dadkayagii iyo dalkayagii oo la haystaa”ayuu yidhi.
Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa gacanta ku haya inta badan degmooyinka hoos yimaada Gobolka Sool, waxaanay bishii la soo dhaafay si nabad-gelyo ah ula wareegeen Magaalada Taarikhiga ah ee Taleex oo xarun u ahayd Kooxda ka soo jeedda deegaamada Sool iyo Buuhoodle ee falaagoobay.
Taleex ayaa todobaadkii hore Madaxweynaha Somaliland u magacaabay Gobol cusub oo ay hoosyimaadaan shan degmo, kaasoo magaciisa loo bixiyay Xaysimo.
Weeraro hore
Bilihii la soo dhaafay ayaa labada dhinac Dagaallo ku dhex mareen Degmada Saax-dheer iyo deegaamo kale, dagaaladaasoo khasaare ku kala gaadhay.
Weeraradaa hore kuwii u dambeeyay iyo qabsashada Taleex ee Somaliland, ayaa dhalisay hanjabaado dagaal oo dhex maray Puntland iyo Somaliland, taasoo soo dedejisay baaqyo caalami ah oo labada dhinac looga digay inay colaad ka huriyaan Gobolka.
Somaliland ayaa baaqyada caalamiga ah ku tilmaantay faro gelin maxali ah oo lagu sameeyay, waxaanay Masuuliyiinta Somaliland shaaca ka qaadeen inaanay duulaan ku ahayn Dhul Puntland leedahay, balse ay Ciidamadu gaadheen Dhul ku yaalla Xuduudka Somaliland.
Muranka xad ee u dhexeeya Somaliland iyo Puntland ayaa soo taxnaa tan iyo intii Maamulka Garoowe la dhisay, hase yeeshee colaada u dhaxaysa khaatumo iyo Somaliland ayaa lagu saleeyaa arrin salka ku haysa kala qaybsanaan siyaasaddeed oo Bulshada Gobolka dhexdoodda ah.
Kuwaasoo qaybta la baxday Khaatumo ee ka farcamay Maamulkii SSC la odhan jiray oo uu hogaaminayay Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleban Ciise Xaglo-toosiye, ay doonayaan Maamul madaxbanaan.
Gobanimonews
Laascaanood Office
Email: editor@gobanimonews.com