Tuesday, July 22, 2014

Jooji Quusta Walaal!!

Lagdanka iyo is badbadalka aduunyada waxaa qayb wayn oo laxaad badan ka qaataa waxaa weeyi hadba inta markaasi ku dhex uumani siday uga go,aan qaataan isla markaana ay u maamulaan hadba wajiga cusub ee ay latimaado aduunyada waayo sida ilahayba inoo sheegay aduunyadu waa daaru imtixaan meel kaliya oo loogu soo hagaagana malaha layskumana halayn karo sidaa awgeed ayaa waxaa walaal lagaaga baahan yahaay intaad talo keento ama caqli keento kana faa,iidaysato aragti fogna ka yeelato sida aad u wajahayso ugana baxayso waayaha aduunyada ama dhibaatooyinka aduunyada  waayo waa muuhiim oo adiga ayey muhiim kuu tahay inaad tidhaahdo haday taasi kugu dhacdo maxaan kaga bixi karaa ama sideen u maamuli karaa hadaad taasi yeelato waxaa hubaal ah iyadoo qadarka ilaahay meel yaalo inaad hadana wax fara badan maamuli karto.

hadaad qorshe yeelan waydo waxaad noqonaysaa nimaan dabaal aqoon rabana inuu badwayn ka gudbo taasina maaha wax suurta gali karaysa waxaana la hubaa inaad ku hafan doonto ama aad dhex muquuran doonto dabeeto aad ku halaagsami doonto kuuna dhamaandoonto taasina hada garoo waxaa kugu wacnaa adigoon dabaal baran ayaad isku qaaday badwayn dabeeto waa muquuratay oo hafatay kuna halaagsantay.

dhinaca kale waxaad ka soo qadaa nin yidhi waan dagaal tagahayaa oo ragbaanu is arkaynaa hadana aan sidan wax hub ah haba yaraadee maxaad u malaynaysaa hawsha ka horaysa waad mala awaali kartaa oo waxaa ka horaysa in fooda xabad laga saaro in sidaasi ku dhacdaana waa mid uu isagu kasbaday iskuna gaystay midheheediina waa helay sida uu kaga badbaadi lahaana waxaa weeyi inuu marka hore hub diyaarsado oo is diyaariyo dhinac walba haday rag tahay iyo haday gaadiid tahayba dabeeto colka araa ka ururiyo nidaamna u socdo nasiib daro sidaa mayeelin waa iska dhaqaay dabeeto afkuu ciida daray.

aduunyada nimaan qorshe cad lahayni waxaa uu ka dhigan yahay sidaa aynu kor kusoo sheegnay waana ku dhex ambanayaa oo waa la hubaa sidaa awgeed waxaa walaal ilahay kaa dhigay qof caqli leh dabeeto waxaa lagu dhahay ku fakir oo wanaag raac waad liibaaniye sidaa awged baa waxa muhim u ah qof kasta oo aduunka joogaa inuu hadaf ka lahaado aduunyada una akaystaa siraaca ama loolanka adag ee kaga imanaaya aduunyada iyo ciidamadeeda shar wadayaasha ah oo uu gadhwadeen ka yahay ninka aadka u madax adag ee ladhoho ibliis.

waxaa iyana muhiim ah inaad yeelato go,aan markasta oo ay hawli kula soo daristo hawshaasi ha qadhaadhaato ama ha macaanaato waa inaad ku wajahdaa kagana baxdaa go,aan adayg iyo raganimo ilahayna tala saarataa.

hadaad sidaa yeeli waydo way kuu dhamaatay oo waa lagaranayaa halka ay kula mari doonto waana inay kaa guulaysato.

isku soo wada duuduuboo waxaa lagaa rabaa inaad ahaato qof diyaarsan oo aan habayac ahayne garanaaya halka uu u socdo iyo wadada lagu gaadhi karaayo intaba hadaad sidaa yeeshana waad guulaysan insha allah.

waxaan maqaalka ku soo afmeerahayaa odhaahda ah ama murtida ah COL HORTII HUBLAHAW oo aan ka wado ama uga jeedo hawl horteed qorshe lahaw si aad u maamusho uguna guulaysato aduuna hawl lagama waayo waayo soomaalida ayaa waxay ku maah maahdaa WAAGII BARYAABA WAAYO LEH.

waxaa kale oo aan dhan karnaa GO,AAN XUMO IILKAY KU DHIGTAA.

W/Q: Jamaal Cabdilaahi Muxumed ( abu ciza).

bestlawyer1982@hotmail.com

Actions 

jamaal cabdilaahi (bestlawyer1982@hotmail.com)  Add to contacts  6:01 AM   Keep this message at the top of your inbox  Photos

To: contact@hadhwanaagnews.com, contact@somalilandtoday.com, contact@halbeegnews.com, waaheen001@hotmail.com, editor@gobanimonews.com, baligubadlemedia@hotmail.com