Pages

Wednesday, July 9, 2014

Jaadka Kenya: Somaalida Ingiriiska oo ka raystay iyo kuwa Muqdisho oo ka dhergay


Daawo Soomaalida Ingiriiska Degen oo indhaha kala furay markii Daroogada Jaadka laga joojiyay iyo Kuwa Reer Muqdisho oo ka reystay kala go’ii iyo Diirashadii Miirooga..




$10 Dollar ayaa Marduufka laga siiyaa Muqdisho, markii hore 20 Dollar…Warbixin Muuqaal iyo qoraal ah..




[caption id="attachment_30614" align="alignleft" width="259"]Diyaaradihii Magaalada Muqdisho Qaadka Keeni jiray oo Hakad galay  iyo Magaalada oo dheg laga waayay Diyaaradihii Magaalada Muqdisho Qaadka Keeni jiray oo Hakad galay iyo Magaalada oo dheg laga waayay[/caption] London (GNA)-Hoos ku dhac ku yimi Sicirka la kala siisto Qaadka Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa sabab u ah xajmi ka badan jaadkii hore u iman jiray oo dalka soo galay.




“Maalintii 10 diyaaraddood oo qudha oo qaad ah  ayaa iman jiray Muqdisho, laakiinse hada waxa soo gala ilaa 22 Diyaaraddood, taasina waxay keentay inuu qiimihii jabo oo Marduufkii la kala siisto $10 iyo wax la mid ah, awal horena waxaanu siin jirnay Kiilooga $20 Dollar”sidaas waxa tiri Haweenay ka ganacsata Qaadka oo Magaalada Muqdisho ku nool.




Qiimaha Jaadka ee Badhaysiga noqday wuxuu sababay inay dadku qaadka aad u cunaan “awal hore Killooo qudha ayaan cuni jiray oo labatan dollar nalaga siin jiray, dabadeed maanta oo dhan waanu dhilan jirnay, hadase sidii hore maaha laba Killoo ayaan cunaynaa hadaan doono, mana feenano ee inta hore ayuunbaan ka cunaa”sidaasna waxa BBC u sheegay Nin Muqayil ah reer Muqdishood ah.




Xaaladani waxay ku tusinaysaa in Beeralayda Kenya  ay jaad badan dantu ku khasabtay u soo dhoofiyaan Somalia, si aanu dhaqaale bur-bur culusi ugu iman, kuwaasoo caddeeyay in Soomaalidu albaab ganacsi oo halbowle ah u ahayd iyaga oo aanay la’aantood London jaad u iib-geeyeen.




“ma haysano suuq kale oo aan kan Somalia ahayn, Dadka Soomalida ah ayuunbaa naga qaadan jiray Jaadkii ingiriiska aanu u dhoofin jirnay, iyaga ayuunbaan ku tiirsanayn, markaa xaaladani maaha wax caadi ah.




Qaadku maaha wax lagu xanuunsado, hadii lagu xanuunsanayo anigu maxaan u waalan waayay, baleeg waan miyir qabaaye”ayuu ku dooday mid ka mid ah Beeralayda Kenya ee Suuqii Ganacsi ee Ingiriisku ka xidhmay.




UKSSomalida Uk.




Boqolaal Muqayiliin ah ayaa ka raystay Qaadka Magaalada London oo qudha, kaddib markii Dawladda Ingiriisku joojisay u soo dhoofinta dalkeeda Daroogada Jaadka.




Muqayiliinta ayaa durba muujiyay dareen ay ku tilmaamayaan sida ay uga kaaftoomeen Dhafarkii lacagta adagi kaga bixi jirtay, waxaanay badankoodu leeyihiin joojinta Maandooriyahan waa waa cusub oo noo beryay.




Halka ka Daawo:




U dhoofinta Jaadka xad-dhaafka ah ee Somalia




Soomaalida ayaa ku kala aragti duwan jaadka xad-dhaafka ah ee Soomaaliya hada la soo dhoofinayo.




Dadka qaar ayaa aaminsan ama ku doodaya “marka uu sicirka qaadku hoos u dhaco waxa madhxaya lacag badan oo dalka ka bixi jirtay, markaa hadii uu badhaysi noqday oo dadkii ka ganacsan jiray faa’ido ka helayaan waxay noqonaysaa in Soomaaliya dhaqaalaha ka soo gelaya Kenya la qaybsanayso”waa sida ay ku dooddeen qaar ka mid ah dadka arrintan ka dareen celiyay.




Kuwo kale ayaa ku dooddaya inuu Jaadka badani dhibaato ku soo siyaadinayo dalka Colaadaha iyo Faqrigu isu barkadeen ee wali la daaladhacaya duruufaha is-xambaarsan.




Isku soo wada duub oo qorshaha Kenya ee dhoofinta qaadku waa mid ku wajahan Somaliland oo Cashuur xad-dhaaf ah iskaga xakamaysay bishii hore, kaddib markii ay si lama filaan ah Diyaaraddo ugu soo rareen Ganacsadeyaal Reer Somaliland ah oo gudaha dalka ku iibin jiray jaadka itoobiya, sida lagu baahiyay Mareegtan Gobanimonews dabayaaqadii Bishii June.




Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com