Pages

Wednesday, July 16, 2014

Israel oo dib u bilowday Duqeymaha marinka Gaza


[caption id="attachment_90991" align="alignleft" width="300"]Duqeymo mar kale bilaabmay GAZA Duqeymo mar kale bilaabmay GAZA[/caption]Gaza(GNA)-Kaddib lix saacaddood oo ay Isreal hakisay duqeymaha dhinaca cirka ee Marinka Gaza, waxay sheegtay inay qaaday weerraro cusub oo ay uga jawaabayso Gantaalo Kooxda Xamaas ku soo ganeen gudaha dalkeeda.




Afhayeen u hadlay Milateriga Yuhuuda ayaa sheegay inay Kooxaha wax iska caabinta ee Fatalstiin ay ilaa konton Gantaal ku soo tureen Dhulka Israel.




Xukuumadda Tel-vive ayaa goor sii horaysay sheegtay inay aqbashay hindise xabad-joojin ah oo ay dawladda Masar soo jeedisay, kaasoo ay ugu baaqday labada dhinac ee Isreal  iyo Ururka Al-fatax.




Hindisahan ayaa dhigayey inay labada dhinac muddo 12 saacadood gudahood ah  ku dhaqaaqaan Xabad joojin, kaddibna laysugu yimaado kulan wada xaajood ah oo ay Masar marti gelinayso.




Wasiirka Arrimaha dibada ee Masar ayaa sidaasi kaga dhawaaqay kulanka Jaamacadda Carabta Maalintii shalay, hase ahaatee Kooxaha wax iska caabinta ee Falastiin ayaa sheegay inaanay aqbali Karin xabad joojin ka timaada dhankooda oo qudha, iyadoo ay socdaan xasuuqa dadka reer Falastiin.




Reysal-wasaaraha Isreal Benjamin  Netanyahu ayaa salaasadii maanta shir isugu yeedhay qaybaha ammaanka ee Xukuumaddiisa, si ay uga wada hadlaan hindisaha Masaaridu soo jeedisay ee xabad joojinta, waxaanay isla gelinkii hore ee maanta bilaabeen xabad joojin.




In ka badan 180 Qof ayaa lagu dilay marinka Gaza ee Dhulka falastiin, kun qof dad ka badana waa lagu dhaawacay, duqeymo xidhiidh ah oo todoba maalmood socday.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com