Muqdisho(GNA)-Sheikh Muxiyadiin Xasan waa Aabbaha dhalay wiilka Xasan Muxiyadiin Xasan oo ah ninka fududeeyay weerarkii saddex habeen ka hor laga fuliyay madaxtooyada Soomaaliya, kaasoo wiilkiisu ka mid ahaa Shaqaalaha Madaxtooyada.
Ciidanka Sirdoonka dawladda ayaa xabsiga u taxaabay Muxiyadiin Xasan, maalin kaddib markii wiilkiisu qirtay inuu muddo laba sanadood ah la shaqayn jiray Kooxda Alshabaab oo uu basaas uga ahaa Madaxtooyada, bixiyayna xogo badan oo sir ah.
Warar ka soo baxay Madaxtooyada ayaa intaas ku daraya inay Su’aalo waydiinayaan waaxda baadhista dawladdu si wax looga ogaado inuu xidhiidh la leeyahay Al-shabaab iyo inuu wax ka ogaa xaaladda wiilkiisa ee ku saabsan la shaqaynta Alshabaab.
Inkasta oo la xaqiijiyay in Sheikha la xidhay ma jiro war intaasi ka faahfaahsan oo ka soo baxay xadhigiisa iyo sababta ka dambeysa, saraakiisha dawladduna wali kamay hadal.
Wiilka uu dhalay wadaadku oo nolol lagu qabtay ayaa madaxtooyada uga wakiil ahaa Shirkadda Isgaadhsiinta gaarka loo leeyahay ee Hormuud, taasoo sida uu sheegay toban sanno shaqaalaheeda ka mid ahaa.
Laamaha wardoonka ee Madaxtooyada iyo kuwa qaranka ayaa la sheegay inay si gaar ah isha ugu hayaan dhaqdhaqaaqa dadka rayidka ah ee ka shaqeeya Villa Somalia, weerarkii kaddib.
Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay Masuuliyadda weerarka shakiga badan abuuray ee habeenkii Arbacadu soo gelaysay laga fuliyay halkaasi.
Ninka qirtay inuu madaxtooyada soo geliyay Kooxda Weerarka soo qaaday oo uu gaadhi ku siday, ayaa daboolka ka qaaday in bartilmaameedka weerarkaasi ku waajahnaa Reysal-wasaaraha dawladda Cabdiwali Sheikh Maxamed Axmed.