Pages

Monday, July 14, 2014

Hogaanka Kulmiye iyo Madaxweyne Siilaanyo oo kulan kale yeeshay


Madaxweyne Siilaanyo oo cafis waydiistay hogaanka kulmiye, xilli uu socdaal caafimaad ku baxay iyo Muuse iyo Maxamed oo si aan shax-shax lahayn uga qayb qaatay sagootintiisa.eeg Sawirka hoose




Siilaanyo iyo MuuseHargeysa(GNA)-Kulan kale ayaa la sheegay inay xalay Madaxtooyada ku yeesheen Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyaha Xisbiga khilaafku ragaadiyay ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, kaasoo ka dambeeyay mid hore ay labada masuul isugu afgaran waayeen lagu kala kacay saddex todobaad ka hor.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Kulanka labada dhinac dhex maray oo ku soo beegmay saacado ka hor safarka maanta Madaxweynuhu ugu baxay dalka dibadiisa, hase ahaatee ilo-wareedyo Gobanimonews ka heshay kulankan, ayaa tibaaxaya in labada hogaamiye ee bilihii la soo dhaafay kala fogaaday ka wada hadleen sidii loo abuuri lahaa maslaxad siyaasi ah oo hawlaha xisbiga lagu dhaqaajiyo.




Xisbiga Kulmiye oo waddanka hogaaminayay afar sannadood, ayaa u muuqda mid ku bariiqday khilaafkii dhawaan soo kala dhex galay hogaankiisa iyo xukuumadda, kaddib markii loolan ka dhashay musharaxa madaxweynaha ee xisbigaasi.




Khilaafkaasoo gaadhay heer laba garab oo ilaa hada kala maqan xisbigu u kala jabo, ayaan ilaa hada xal laga gaadhin, dhinacyada uu ka dhexeeyaana meel isugu iman, iyadoo ay kala magacaabanyihiin laba Guddi fulineed iyo golle dhexe oo ay kala wataan garabka muuse biixi iyo dhinaca Xukuumadda oo uu madaxweyne Siilaanyo hogaaminayaa.




Hadaba kulanka xalay labada dhinac dhex maray oo ay aad u yartahay xogta laga helay waxay ka wada hadleen, ayaa sida ay tilmaamayaan dadka arrimaha siyaasadda odorasa ee Somaliland, ku sal lahaa siday u abuuri lahaayeen isu tanaasul iyo dib u soo kabasho.




Muuse iyo Maxamed oo sagootinaya siilaanyo




MuuseLama oga in isfaham lagu gaadhay iyo in kale kulankaas, balse labada hogaamiye oo maanta Madaarka wada joogay markii weftiga Madaxweynuhu dhoofayay, ayaa wajiyadooda laga dheehanayay inaanay isu san banaanayn, isla markaana wali xurgufi jirto.




Muuse Biixi iyo saaxiibkii kaahin ayaa si aan shax-shax lahayn oo uu Musawirrada iska qarinayo, uga qayb qaatay sagootinta weftiga Madaxweynaha, isagoo ka mid ahaa siyaasiyiin u badan madaxda xukuumadda halkaasi duhurkii ka dheemaaliyay weftiga.




Wariyeyaasha Gobanimonews ee ka qayb-galay xafladda lagu sii dhaweynayay Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa arkayay Guddoomiye Muuse Biixi iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Kaahin oo qolka V.I.P-da meel yar oo Guluc ka kaga dhuumanaya kamaradda si aan sawirku u qaban, isagoo dhanka kalena aan halkaasi dhaafin, isla mar ahaantaana marna madaxweynaha dhankiisa u soo daqaqamin.




Inkasta oo Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin muujinayeen dareen u muuqda inaanay Siilaanyo isku wanaagsanayn, hadana waxa xusid mudan in ka gadaal markii Madaxweynuhu warbaahinta la hadlay, saxaafadda dibada loo soo saaray, kaddibna qolka nasashada ay labada Guddoomiye ee Kulmiye iyo garabka Madaxweynaha ee xukuumadda oo macaa  madaxweyne ku-xigeenku  ku jiraa nusasaac wakhti ka badan ku wada sugnaayeen halkaas, iyagoo albaabada soo xidhay.




Si kastaba ha ahaatee wararka qaar ayaa jira sheegaya in Madaxweynuhu ka dalbaday labadan xubnood inay iscafiyaan,  maadaama hawlo caafimaad u baxay, isla markaana wakhti ramadaan ah lagu jiro, laakiinse wali waxaan tibaax ahayn lagama hayo kulamada labada dhinac.




Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: curad1986@hotmail.com