Booqo oo ka soo iibso Dhar, kabo iyo agab kale oo qiimo jaban iyo qurux isku darsaday
Hargeysa(GNA)-Waxa todobaadkan horaantiisii Magaalada Hargeysa laga furay Carwo lagu iibinayo Dharka iyo agabka kale ee ay dadku ku iidayaan, taasoo lagu soo bandhigay dharka iyo Kabaha caruurta iyo waaweyn iyo waliba qalabka ay caruurtu ku ciyaarto maalmaha Iida.
Carwadan oo sanad kasta bisha Ramadaan laga furo dacalka Galbeed ee Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Dukaanka caanka ah ee Sacaada’diin Super market and furniture qaybtiisa jig-jiga yar, ayaa allaabooyinka lagu iibinayo lagu sameeyay qiimo dhimis aad u saraysa.
Furitaanka Carwadan waxa ka qayb galay dad aad u tiro badan oo isugu jira masuuliyiin dawladda ka tirsan , Ganacsato iyo marti sharaf kale, kuwaasoo si weyn u soo dhaweeyay furitaanka Carwadan ay sanad kasta macaamiisha Dukaanka Sacaddadiin fursad dahabi ah ka helaan, looguna diyaariyo agab tayo leh oo qiimo dhimis loogu sameeyay.
Khadar Axmed Ciise oo ka mid ah hawl-wadeenada Carwadan ayaa warbaahinta uga waramay waxyaabaha ay halkan ugu diyaariyeen Macaamiishooda.
“ Carwadani maaha markii ugu horaysay ee aanu furno ee sanad walba hadaaya oo kale waanu furnaa,waxaanu halkan ku soo bandhigaynaa dharkii caruurta, dadka dhexe iyo kuwa waaweyn,maaha dhar kaliyaata ee waxay wataan kabahii iyo waliba waxyaabihii carruurtu ay ku ciyaari lahaayeen ciida oo aad u cajiib ah,”
Carwadan ayaa isla maalinkii la furayba waxa u soo dukaamaysi tegay dad aad u badan oo ceeryoon ka dhigay qaybaha ay ka koobantahay.
Qaybta kale ee Dukaanka sacaddadiin ayaa ku taalla ka soo horjeedka Hudheelka gargaar ama Dhismaha ilmo Xasan Rakuub ee dhinaca Bari ka xiga Hudheelka Maaweel.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com