Halyeyga naadiga reer Brazil ee Sao Paulo, Goolwade Rogerio Ceni ayaa dunida kubada cagta wacdaro ka dhigay , kadib markii uu shabaqa dhigay goolkiisii 118 aad ee intii uu ciyaaraha ku soo dhex jiray habeenkii Arbacadii.
Ruug cadaagan 41 jir ka ah ayaan seegin oo aan luminin inuu ka faa’iidaysto oo shabaga ku ruxo kubad rigoodhe ahayd oo loo dhigay kooxdiisa , kaas oo tirada gool dhalintiisa ka dhigay 118 gool, kuwaas oo ka badan badi inta ay dhalliyaan ciyaaryahano badan oo afka hore uga ciyaarah kooxohooda.

Ciyaar dhex martay habeenkii Arbacadii, kooxaha Sao Paulo iyo Bahia ayuu gool dhalinta ku furay laadkaas rigoodhaha ah , goolwade Rogerio Ceni, waxaanay naadigiisu u raaciyeen gool kale , iyagoo guushu ku raacday 2-0 ay ku dhaafeen Bahia.

Ceni ayaa caan ku ah dhalinta laadadka xorta ah oo uu ku yahay khabiir loo daba fadhiisto , waxaanu sidoo kale yahay , ciyaaryahan aan laga qaban kubadaha rigoodhaha ah.
