Pages

Monday, July 14, 2014

Germany oo guul Taariikhi ah ku hanatay Koobka Adduunka 2014


Maxay falanqeeyayaasha Ciyaaruhu ka yidhaahdeen Guusha Germany?




GERNXulka qaranka Germany ayaa dabaal-degaya guusha ay ka gaadheen Koobka Adduunka oo ay markii afaraad qaadeen caawa, kaddib markii ay dhigooda Argentine  1-O kaga adkaadeen, ciyaar malaayiin qof ay caalamka ka kala daawanayeen, taasoo ka dhacday garoonka Maracana ee caasimada Brazil ee Rio De Janeiro.




Waxay ahayd Ciyaar aad u adag, waxaanay ciyaaryahanada labada xul naf hurid u sameeyeen helida Dhalada qaaliga ah ee bisha loo tartamayay iyo lacagta Malaayiinka ah ee taalla.




90 kii daqiiqo ee ciyaarta loogu tallo gallay, ayaa la isla dhaafi waayay barbar dhac 0-0 ah , xulna aanay u suurto gallin inay wax gool ah la yimaadaan.




30 kii daqiiqo ee lagu darayna qaybtii koobaad ku dhamaatay waxba la’aan, hase ahaatee qaybtii dambe ee laysku soo noqday, Gool uu shabaqa dhigay Xidiga Mario Goetze oo ciyaarta bedel ku soo gallay uu  ugu filaaday Germany inay ku guulaystaan koobka aduunka, iyaguna ku dabaal degaan Maraca.




Xafladda Ciyaarta ayaa ka socota Garoonka dhexdiisa, waxaana la kala guddoomayaa biladaha ay bixinayso Fifa.




Reysal-wasaaraha Germany Angela  marker  ayaa la dabaal-degaysa xulka qarankeeda, waxaanay ka mid ahayd 11 hogaamiye oo daawashada ciyaarta ka soo qayb galay.




Guusha Germany ayaa noqonaysa arrin taarikhi ah, sababtoo ay tahay waxay koobkan ka hantiday laba xul oo Latin America ka soo jeedda, kuwaasoo  kala ah Brazil oo ay hore u soo garaacday iyo Argentine oo ay caawa ugu run sheegtay guul.




Somali badan ayaa daafaha Adduunka kala socday Ciyaartan, kuwaasoo ka sekow guusha la kala helay qiimeynayay ciyaar wanaaga labada xul “way iska cadeyd hadaanay Argentine gool dhashan ciyaarta dhexdeeda xataa in rikoodheyaasha lagaga badin lahaa. Laakiinse way lumisay”sidaas waxa Gobanimonews u sheegay faysal oo ka mid ahaa Nin Ciyaarta daawanayay oo ku sugan magaalada Hargeysa.




“mida kale waa markii ugu horaysay ee Yurub Koob lagu dhigay Latin America qaado, ciyaar wanaagana waaba laga wanaagsanaa Argentine”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Mawliid Nin la yidhaahdo oo ka  mid ah Daawadeyaasha Ciyaaraha ayaa isna sheegay “caawa mabay ahayn inay Germany soo gaadho halkan waayo way soo tabcadeen, markaa waxay ahayd inay goor horeba badiyaan”.




Ciyaaryahanka Lionel Messi  Argentine ku duusho ayaa lumiyay fursada dhigista rikoodhkii Marathona oo sanadkii 1986-kii xulka qaranka Argentine u qaaday koobka adduunka.Germaas




Messi ayaa lumiyay humaag kasta oo loo saadaalinayay inuu Argentine Koobka u qaado, waxaana caawa baraq jabiyay laba difaacyahan oo xulka Argentine ku balamiyeen inaanu fardhaqaajin.




“laga barayba laga badi”ayuu ku dhamaaday Koobkii aduunka ee 2014.