Pages

Sunday, July 20, 2014

Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe oo ku Geeriyooday Buuhoodle.Warbixin


Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe wuxuu ka mid ahaa Hogaan dhaqameed caan ka ah Geyiga Somalida, gaar ahaan Gobollada Somaliland, Puntland iyo SSC




[caption id="attachment_91294" align="alignleft" width="300"]Garaad Cabdilaahi oo xaflad ka hadlayay intaanu dhiman Garaad Cabdilaahi oo xaflad ka hadlayay intaanu dhiman[/caption]Buuhoodle(GNA)-Alle ha u naxariistee waxa Maanta Magaalada Buuhoodle ee Caasimada Gobolka Cayn lagu aasayaa Marxuum Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe oo ka mid ahaa hogaan dhaqameedka Gobolka Buuhoodle ugu miisaanka culus.




Shalay gelinkii dambe ayuu ku geeriyooday magaalada Buuhdoodle, kaddib markii uu Xanuun ku soo booday xilli uu ku tukaday salaadii Casar Masjid-jaamica Buuhoodle, iyadoo markii  gurigiisa la keenay wax yar kaddiba uu geeriyooday,sida ay Gobanimonews u sheegeen dad ka mid ah eheladiisu.




Isla gelinkii dambe ee shalay ayaa Guddi qabanqaabo loo saaray Aas Qaran oo Magaalada Buuhoodle loogu sameynayo saaka,guddidaasoo ka koobanayd 21 xubnood isugu jira cuqaal, madaxdhaqameedyo iyo culimo.




waxaana ka soo qayb gelaya aaskiisa Hogaamiyeyaal dhaqan, kuwo siyaasaddeed , culimo awdiin iyo waxgarad kale oo isaga kala yimi Somaliland, Puntland, Itoobiya iyo meelo kale fog-fog.




Waxa ay walaalo ahaayeen Marxuumka Wasiir ku-xigeenka arrimaha Gudaha Somaliland Cismaan Garaad Soofe oo ka mid ah dadka Maanta aaskiisa kaga qayb-galay Buuhoodle.




Siyaasiyiinta ka soo qayb-gelay Aaska waxa ka mid ah Hogaamiyeyaasha Maamulka Khaatumo, xubno ka socda Maamulka Puntland iyo badi hogaamiyeyaasha dhaqanka ee Beelaha Dhulbahante iyo beelaha kale ee ay Ood-wadaagta yihiin.




Alle ha naxariistee Marxuum Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe wuxuu ahaa shakhsiyad alle ka cabsi iyo cibaado lagu yiqiinay intii uu noolaa, waxaanay dadka aqoonta durugsan u lihi ku tilmaameen inuu ahaa hogaan dhaqameed miisaan culus ku leh bulshada uu hogaanka u ahaa iyo mandaqada oo dhan, isla markaana aan looga baran dhex galka arrimaha siyaasadda.




Mid ka mid ah dadka dhalinyaronimada ku soo gaadhay Garaad Cabdilaahi ayaa Gobanimonews u sheegay “wuxuu ahaa shakhsi aan Masaajidka iyo Gurigiisa waxba uga dhaxayn, oo aan macaa arrimaha siyaasada geli jirin”ayuu yidhi Cabdi Yuusuf oo ka tiiraanyeysan geerida Marxuumka.




Baraha Bulshadu ku kulanto iyo qalabka warbaahinta ayaa lagu baahinayay tan iyo xalay dhambaalo tacsi ah oo loo dirayo Marxuumka, waxaana geerida xaqa ah ee u timi Garaadka si aad ah uga tiiraanyeysan Mujtamaca Gobolka iyo guud ahaan dadkii aqoonta u lahaa.




Inaalilaahi wa inaa ilaahi Raajucuun




Gobanimonews




Buuhoodle Office




Email: editor@gobanimonews.com