Pages

Monday, July 21, 2014

Fadeexadda Cabdi AwDaahir iyo Deegaanka Qool caday By Mukhtar Cilmi


Asalamu calaykum waraxmatulahi wabarakato.




Arrintan ayaa soo ifbaxday ka dib markii uu Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo Mashruucan dabad ka riixaya uu isku cuna duubay




Waxaan halkan aad uga salaamayaa bahda Shabakada Caalamiiga ee Hadhwanaag.ca




 




fadeexaad musuq maasuqeed qarsoon aya ka dhex socoto wasaaradda xanaanadda xoolaha oo hogaaminayo wasiir cabdi aw daahir, waxa jirta in wasiirka wasaarada xanaanada Somaliland Cabdi Aw daahir uu doonayo in uu Xoolo gaara uu kooto ugu xidho seeraho maalmihii ugu danbaysay laga waday in laga sameeyo Banka Qool Caday ee deegaanka Dagmada Salaxlay oo ka tirsan Gobalka Hawd, Ma jiraan ilaa hada warar rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Cabdi Aw daahir balse waxaa ay wararku tibaaxayaan in Wasiirku isaga oo




 




ka duulaya kana faa'idaysanaya dadaalada ay Baanka Aduunka iyo midawga Yurub ku doonayaan in dib loo soo celiyo Seerihii Bananka uu heshiis qarsoodi ah kula galay ganacsade Al-jaabiri in kooto loogu xidho seerahaasi si loogu naaxiyo Xoolaha uu u dhoofiyo dalalka Carabta.




 




Arrintan ayaa soo ifbaxday ka dib markii uu Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo Mashruucan dabad ka riixaya uu isku cuna duubay,sidaas awgeedna aanay wax wada shaqayni kala dhaxayn Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Somaliland oo iyadu leh maamulka iyo sida oo kale qorshaha Xoola dhaqatada loogu samayn karo seerayaal lagu naaxiyo Xoolaha ay leeyihiin dadka Xoolo dhaqatada ah ee reer Somaliland, hadaba si kastaba ha ahaatee arrintan ayaa fashil wayn oo dhinaca samaynta Seerayaasha ah ku keeni karta in ay dadka reer guuraaga ah ee ku dhaqan deegamadaasi ay ka aamin baxaan hawshan oo wato ina aw daahir, isaago la kulmay dadweynahaas laakin ay qorshooyin kale ay jiran marka dadweynu taxadiira oo deegaankiina ilaaliya !!.




 




Khadar2244@hotmail.com




Mukhtar Cilmi