Thursday, July 17, 2014

Dilka Taliyihii Sirdoonka Caynabo oo aanay Dawladdu wali xal u helin


Eheladdiisii oo mar kale ka cawday cadaalad daro..




BAAQ1.jpgCaynabo(GNA)-Ehelada Talihii Hore ee sirdoonka Caynaba oo sanadkii hore la dilay ayaa wali ka cabanaya cadaalad daro, kaasoo dhawaana booliska degmadu dhaawac u gaysteen Booliska  walkaalkii C/qani Faarax Bootaan la yidhaahdo.




War qoraal ah oo ay mar kale warbaahinta soo gaadhsiiyeen ayay dawlada ugu baaqeen inay wax ka qabato cadaalad daro ay sheegeen in lagaula kacay.




Qoyskan ayaa dhowr jeer oo hore warbaahinta cabasho ka gudbiyay, waxaanay ku dooddeen inaan gar iyo garowshiyo toona laga marin dilka marxuumka dhintay.




Marxuum Taliye Axmed Caydiid Bootaan, ayaa sanadkii 2013-kii waxa toogasho ku dilay dablay hubaysan oo isla deegaanka u dhashay oo Xabsiga dhexe ee Magaalada weeraray, kuwaasoo baxsaday markii dilka ay geysteen, xabsigana kala baxeen dad kaga xidhnaa.




Hadaba Qoraal ay  soo saareen eheladiisu maanta oo  ay arintaas kaga hadlayeen, soona gaadhsiiyeen xafiiska Gobanimonews ee Burco, ayaa waxa uu dhignaa Sidan:




Baaq




“Anagoo ah eheladii ay ka dhasheen Taliyihii Sirdoonka ee lagu dilay Tuulada Caynaba Axmed Caydiid Bootaan ee ay ku dileen beesha ay dowladu u daba fadhiisato caynaba,marlabaadna ay ku dhaawaceen C/qani Faarax Bootaan,Mar sadexaad aya ku haystaan kuna xidhanayahay walaalkood Yuusuf Cawil Bootaan sida Ku cad Joornaalka Waaheen ee soo baxay 7 Bishii July 2014,Marka Hore waxaanu cadaynaynaynaa inaanu C/qani iyo Yuusuf ahayndad  soo duulay ee uu soo danaysi tagay  hadii uu soo duulayna uu wax dili lahaa,waxaanu haynaa oo cadaynayanaa inuu nin ka mid ah ninankii ka danbeeyay dilkii taliyaha ahaana oo ah kii u dhiibay qorigii taliyaha lagu dilay kaas oo sheegay inuu isba qori sitay hada  waxaanu  u tagay taliye ku xigeenka qaybta Booliska oo lagu naanayso shiine kaas oo ahaa inaadeerkii isagoo  ku war galiyay inay aarsanayaan nimankani midna dhaawaca yahay midna xidhanayahay kuwaas oo aan wada soconba iskuna ogayn meesha,taliye ku xigeenkuna waxa uu qaatay warkii inaadeerkii ,waayo ninka xidhan ee lagu qabtay qoriga waxa uu ka yimi miyiga waxanu ku socday Burco oo uu deganyahay waxaanu ku hakaday gurigaa lagu qabtay oo ay hooyadii oo xanuunasanaysay deganayd isagoo aan wax dhibaato ah gaysana lagu qabtay waayo wax dhibaato ah muu wadin,halka ninka kalena guri isagoo hurda oo aan waxba ogayn oo aan hubaysnayn lagu dhaawacay isagoo ku toosay qayladii dumarka iyo weerarkii ay soo qaadeen Booliska isku reerka u badani,




waxaanu aragnaa in sababtan raga loo laynayo loona  xidhxidhayo ay tahay mag qaata,dawlada xuquuqdeedu ma waxay noqotay in saraakiisha iyo dadka u shaqeeya inta la laayo la yidhaahdo mag qaata.




sidaas daraadeed waxaanu dawlada u sheegaynaa inaan cidina wax ka qaban dilalkan naloo gaysanayo halka kuwayagii ay iska xidhanyihiin isla markaana aan wax laga qaban dilkii taliyii hore iyo dhaawaca kan danbeba ,waxaana hada naloo adeegsanayaa waa shaadhkii dawlada,waxaanu leenahay oo xukuuumada u sheegayanaa inay wax ka qabato xadhiga,dilka iyo maamulka isku beesha ah oo Xoriyadiisa loo soo celiyo ninka xidhan ka dhaawaca ahna loosoo qabto cidii u gaysatay,




Cali Caydiid Bootaan




C/kariin Axmed Caydiid




C/maalik Axmed Caydiid




Layla Caydiid Bootaan




Cabdi Ducaale Bulaale