Pages

Friday, July 11, 2014

Diidmada Diwaan-gelinta Medeniga ah ee Somaliland: Gar mise gardaro?warbixin


Xisbiya Mucaaridka ah oo biiray diidmada shacbiga ee diwaan-gelinta Medeniga ah iyo doodda xukuumadda




qandaraasHargeysa(GNA)-Dood ku saabsan madmadow ku jira hanaanka loo bixiyay qandaraaska mashruuca Diwaan-gelinta Medeniga ah oo todobaadkii hore dawladdu shaacisay Shirkad la sheegay inay  ku guulaystay ayaa ka dhex aloosantay Mucaaridka iyo xukuumadda Somaliland.




Labada Xisbi Mucaarid ee dalka ayaa meel iska wada taagay mugdiga ku jira bixinta Qandaraaskan oo ay la wareegayso shirkad magaceeda la yidhaahdo SAHAL oo sida masuuliyiinta xukuumaddu sheegeen afartan shirkadood oo kale kaga guulaysatay mashruucan.




Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen iyo Afhayeenka Xisbiga kale ee Waddani ayaa labadooduba sheegay in Shirkada qandaraaska la siiyay ay madaxtooyadu leedahay.




“arrinka diiwaangelinta madaniga ah ee maalin dhawayd Shirkad lagu magacaabay Sahal la siiyey, runtii markii aannu arrinkaas baadhnay 35 Shirkadood ayaa soo codsaday, shan baa isku soo hadhay, shantii waxa la weydiiyey inay mid waliba keento shuruudihii looga baahnaa, iyadoo arrinkaas loo ballansan yahay oo aan Shirkadihii la kala saarin ayuun baa Shirkad gaar ah markiiba la iska siiyey”sidaasi waxa shir jaraa’id ku sheegay Jamaal Cali xuseen oo tilmaamay “ waxa noo muuqatay Shirkaddaasi inay ka socoto Madaxtooyada oo dadka leh dad Madaxtooyada ka soo jeeda qaarkood ay yihiin. Waxa kale oo noo muuqatay inaan loo marin habkii Tartanka Qandaraasyada Somaliland u qornaa ee gaarka ahaa oo ay Wasiirro dhex fadhiyeen.”




Jamaal ayaa dhanka kale ka digay in Diwaan-gelintan loo isticmaalo doorashooyinka iyadoo laga dhigayo mid lagu saleeyay codbixiyeyaasha. “Waxa kale oo khatarteeda leh oo dadka ku keeni karta isku-dhac in haddii ay dawladdu ku fikirayso wixii shirkaddaasi ay samayso in loo isticmaalayo diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha, taasi waxaannu aqbalayno iyo mid aannu oggolaanayno maaha”ayuu yidhi.




Dhinaca kale, Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, oo ka hadlay arrintani waxa uu sheegay in musuqmaasuq dhacay.




 “Waananu cambaaraynaynaa qaabkaas caddaalad-darrada iyo Musuqmaasuqa ah ee Shirkaddaas lagu siiyey Qandaraaska diiwaangelinta Madaniga ah. Waxaana la doonayaa in la yidhaahdo inta meelahaa la soo marmaro oo wixii la doono la iska soo qorqoro in la yidhaahdo diiwaangelintii Madaniga ahayd baannu qabannay, taasina wax dalka iyo dadku u baahan yahay maaha, ee dadka iyo dalka Somaliland waxa uu u baahan yahay diiwaangelin sax ah, taasna waxa muuqata in jidkii lagu heli lahaa laga leexday.” Sidaa ayuu u sheegay Wargeyska Himilo  Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubbaa.




Afhayeenka Xukuumadda




Hase ahaatee Eedeymaha labada xisbi ka soo yeedhay iyo shakiga ay geliyeen qaabka lagu bixiyay qandaraaskan waxa dacaayad iyo arrin wax kama jiraan ah ku tilmaamay   Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Somaliland Aadan Cabdillaahi Xaaji Xasan (Nugaal), oo isna himilo la hadlay.




“Waxaasi wax soconaya maaha ee 42 Shirkadood baannu ka doorannay Shirkaddan, oo ah Shirkad waddani ah oo ay leeyihiin Niman dhalinyaro Muwaaddiniin reer Somaliland ah oo aqoon iyo khibrad leh, markaa waxay Xisbiyadda Mucaaridka ahi Gaalada iyo Ajaanibka wax ula jecel yihiin ee ay ugu diiddan yihiin inay Muwaaddiniinta dalka u dhashay shaqadan qabtaan maaddaama oo ay awood u leeyihiin ma garan karo.” ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Somaliland




“Waxa kale oo aan ku xulannay in haddii goor dhaw aynu u baahanno in nidaamka diiwaangelinta la samaynayo ee madaniga ah wax laga beddelo inay tahay mid si fudud u samayn karta beddelka ama kaabista loo baahan yahay. Waxa kale oo aannu ku xulannay oo ay samaysay shirkaddani wax aanay dhammaan Shirkadihii kale samaynin oo waxay soo bandhigeen Farsamo iyo aqoon cajiib ah oo aannu si toosa (Live) uga daawanaynay Hargeysas iyagoo Berbera jooga. Markaa, waxaannu u aragnaa inay Shirkaddani tahay tii Somaliland meel gaadhsiin lahayd, waligeenna inaynu Gaalo iyo Ajaanib uun daba soconno oo ay wexeenna maamulaan waa laga wanaagsan yahay.” ayuu yidhi Guddoomiye Aadan.




Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Somaliland Aadan Cabdillaahi Xaaji Xasan (Nugaal) oo ka jawaabayey eedaynta Xisbiyada waxa uu yidhi; “Waxaannu filaynay in ay Xisbiyada Mucaaridka ahi nagu hambalyeeyaan oo ay nagu bogaadiyaan inay tartanka ku soo baxday Shirkaddan Waddaniga ah oo ah Shirkaddii ugu horreysay ee waddani ah ee diiwaangelin tartan u gasha ee soo bandhigtay awoodda ay u leedahay inay hawshaa si fiican u qaban karto, runtii mid aannu ammaan iyo bogaadin ka filaynay weeye, Xisbiyadda Mucaaridka ahina inay Muwaaddiniinta kala cararaan inay shaqo helaan oo ay Ajaanib la raadiyaan waa looga wanaagsan yahay, dhalliisha iyo mucaaradaddana waannu oggol-nahay, laakiin tani waxaannu u aragnaa inaanay ahayn tii nalagu dhalliili lahaa.”




Waxaanu intaas raaciyey; “Ma jiro wax faro-gelin ah oo ay Xukuumaddu ku samaysay hawsha kala saarista Shirkadaha iyo Shirkad ay gaar u wadatay toona, mana jiro musuqmaasuq iyo caddaalad-darro aannu Guddi Qandaraasyo ahaan iyo Guddiyada kale ee Madaxweynuhu hawshan u magacaabay toona aannu samaynay, ee si caddaalad ah ayay Shirkaddani ku soo baxday waanannu ka xunnahay inay Mucaaridku sidaas yidhaahdaan.” Ayuu yidhi Nugaal oo intaas ku sii daray “aad iyo aad ayay uga lacag jabantahay shirkadihii kale”.




maaha markii ugu horaysay ee la dhaliilo qaabka Hay'adda qandaraasyada Qaranku u bixiso mashaariicda ay bulshada u bandhigto in lagu tartami doono, waxaase jiray tiro qandaraasyo kale oo noocan ah oo mugdi badani ku jiray iyo kuwo badan oo dadweynaha laga qariyay xiliga la bixiyay, kuwaasoo lagu naasnuujiyay masuuliyiin dawladda xilal ka haya iyo Ganacsato ku dhadhow.




Diwaan-gelintii shaqo abuurka




Suurto gelinta Diwaan gelin medeni ah ayaa Somaliland u ahayd sanadkan mashruuc shaqo abuuris ka turjumayay, marka la eego kumanaan dhalinyaro ah oo bishii may ku xoomay naadinta dhowr boqol oo qof oo fulinaya hawsha.




Waxaabay keentay inay laba kun ku dhawaad qof soo codsadeen Magaalada hargeysa oo qudha ka mid noqoshada Shaqaalaha.




Ha yeeshee waxa arrintan wali suurto galnimadeeda calaamatu su’aal ku ah diidmo lagala horyimi deegaamo badan oo dalka ah iyo meello aanay kaba fuli Karin xilligan sababo dhanka maamulka ah awgood, deegaamadaasoo ah kuwo aanay doorashooyinkuba ka dhicin waligood, sida bariga sanaag, sool meelo ka mid ah iyo Buuhoodle.




“yaa damaanad qaadaya inaan xogta diwaan-gelintu bixin ama aanay noqon mid khaladaad yimaado”sidaas wax Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah Khubarada dhanka Doorashooyinka iyo arrimaha diwaan-gelinta oo daboolka ka qaaday inay halis keeni karto diwaan-gelintan hadaanay dawlad masuul ahi sameynin.




Marka la eego ilaa hada sida wax u socdaan iyo diidmada laga muujinayo qaababkeeda oo idil, waxa soo baxaya natiijo muujinaysa inaanay wakhtigan  dhici Karin diwaan-gelin medeni ah oo dalka oo dhan wada gaadha iyo xog lagu kalsoonaan karo damaanad laga bixin karaa.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com