Pages

Monday, July 21, 2014

Dhismeyaal wado martay oo saaka cagaf la geliyay Xaafadda Gol-jano ee Hargeysa


SoltelcoHargeysa(GNA)-Dawladda hoose ee Caasimada Hargeysa ayaa saaka Xaafadda Gol-jano ka fulisay hawl-gal waddo banayn ah oo balaadhan, kaasoo ay cagaf ku gelisay Dayrar iyo dhismayaal dhagax ah oo wadada hareereheeda ka dhisnaa.




 




Hawl-galkan ayaa dhacay subaxnimadii hore, xilli dadka badankiisu hurdeen, waxaana la dumiyay dhowr deyrn oo ku yaalay hareeraha waddada, agagaarka Laagta Gol-jano ilaa gooladda Laamiga uu kaga dhaco Jidka Rafka ah ee Basaska Xero-awr maraan.




 




Dhismeyaasha Cagafta dawladda hoose waxyeeladda u gaystay waxa ka mid ah Guryo ku qabsan laagta oo ay Dayrkii ka dumiyeen.




 




“wax ogaysiis ah nalama siin saaka ayuunbay nagu bilaabeen”sidaas waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah dadweynaha Xaafadaas oo Gurigiisii dayrka hore laga dumiyay.




 




Hawl-galka dawladda hoose fulisay waxa qayb ka ahaa ciidamo bilays ah oo isugu jira RRU iyo kuwa dawladda hoose, kuwaasoo sugayay ammaanka.




 




Ma jirto wax rabshad ah oo ka dhalatay hawl-galkaasi intii uu socday.




 




Masuuliyiinta dawladda hoose ayaan wax war ah ka soo saarin sababta ka dambeysa hawl-galkan, balse xubno ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in waddada la baneeyey laga samaynayo laami cusub oo Xaafadda Gol-jano dhex mari doonta.




 




Maayirka Caasimada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa laba bilood ka hor dhagax dhigay Laamigan cusub ee Gol-jano, kaasoo la saarayo wadada rafk ah ee Xaafadaas marta, lagana maal-gelinayo Mashruuca GPLG-ga ee Dawladdaha hoose maamulaan.




 




Dadweynaha xaafadda ayaa hore u soo dhaweeyay talaabada maayirku qaaday, waxaanay ku tilmaameen waxtar ku soo kordhi doona bulshada oo aad ugu dhibaateysnayd wado xumaanta xaafada ka jirta, iyadoo magaalada dhexdeeda ku taalla.




Gobanimonews




Hargeysa Office




 




Email: editor@gobanimonews.com