Hoos ka dhegeyso, Madaxweyne Siilaanyo oo sheegay inuu Ingiriiska Safar shakhsi ah ku tegayo.
Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta xadhiga ka jaray Dhismaha Wasaaradda Duulista oo ka kooban aqal Saddex dabaq ah, kaasoo xarun u noqon doona Wasaaradan, kaddib markii laba sanno ka hor la iibiyay xafiiskii ay ku lahayd badhtamaha Magaalada.
Dhismahan ayaa waxa laga dhisay afaafka hore ee laga galo Madaarka Hargeysa,waxaana madaxweynuhu indho indheeyey qaybaha xafiiska cusubi ka koobanyahay.
“Madaxweyne waxa dhismahan waxa loo dhisay Wasaaradda Duulista Hawada, waxa ku baxay lacag dhan $280,000”sidaas waxa yidhi Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi.
Wasiir xaashi ayaa intaasi ku daray “dhismahani wuxuu ka mid yahay kuwii markaynu dhagax dhigaynay qolyaha mucaariku odhan jireen waa dhagax been ah oo meel la dhigayo, maanta waakaas dhamaaday ee quruxdaa leh”ayuu hadalkiisa raaciyay.
Maxamuud Xaashi cabdi wasiirka Duulista ayaa sidoo kale dhaliilay Mucaaridka dalka oo uu sheegay inay xaqiraan waxqabadka xukuumadda “Madaxweyne qolada Mucaaridku markii hore waxay inagu dhaliilayeen meel walba dhagax been ah ayaa la dhigayaa, maanta markii dhismeyaal qurux baddana la dhisayna waxay odhanayaan dadkiibaa bakhtiyaya ee maxaa dhismeyaasha quruxda badani tarayaan, markaa waxaan leenahay waxani waa xoolihii umadda oo la ilaaliyay. “waa intii yarayd hadaanu tuug nahay waxba maanu qabaneen”ayuu hadalkiisa raaciyay.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xadhiga ka jaray qaybo cusub oo lagu kordhiyay Madaarka, isagoo kormeerna ku soo maray qayb lagu kordhinayo Dhabaha diyaaraduhu ka hadaan ee Madaarka , halkaasoo uu warbixin kaga dhegeystay hormuudka shirkadda dhisaysa.
Ugu dambeyntii Madaxweyne Siilaanyo waxa uu abaaro 12:30-kii ka dulay Madaarka Hargeysa oo uu ka raacay diyaarad yar oo ay Itoobiya leedahay.
Waxaanu u kicitimay Safar uu ku tegay dalalka Itoobiya iyo Ingiriiska.
“waxaan safar ugu baxayaa dalka Ingiriiska waxaan sii marayaa dalka Itoobiya oo aan madaxda dalkaa kala hadli doono sidii aanu uga wada hadli lahayn xidhiidhka noo dhexeeya”ayuu yidhi Siilaanyo.
Waxaanu intaas raaciyay “dalka ingiriiska waxaan ku tegayaa socdaal ii gaar ah, laakiinse waxaan iyanada kula kulmi doonaa dadka reer Somaliland ee halkaa jooga”.
Madaxweynaha waxa la waydiiyay su’aallo badan oo la xidhiidha xaaladda dalka iyo habdhaqankiisa hogaamineed oo afartii sanadood ee uu xilka hayay si weyn loo dhaliilayay.
Halkan ka Dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Madaxweynaha-oo-ka-Duulay-Garoonka-Diyaaradaha-ee-Egal-Mashaariic-muhiima-oo-ay-ku-jirto-Dhismaha-W.Duulistu-xadhiga-ka-jaray.mp3"][/audio]
