Hoos ka dhegeyso Xasan Sheikh Maxamuud oo calaacal laga dareemayo uga hadlay weerarkii madaxtooyadiisa lagu qaaday
Muqdisho(GNA)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa ka hadlay weerarkii caawa ka dhacay Madaxtooyada.
Waxa uu sheegay inuu nabad ku joogo guriga uu ka degenyahay Qasriga dalka looga taliyo oo aanay jirin cid ka qaxisay iyo meel uu uga baxay toona.
Warbaahinta ayaa hore uga soo xigatay Saraakiil Dawladda ka tirsan inuu Madaxweynuhu ku sugnaa markii weerarku dhacay Dugsiga Xalane.
Laakiinse waxa uu xasan Sheikh Maxamuud ku sheegay Shir jaraa’id oo uu goor dhaweyd qabtay inaanu marna madaxtooyada ka bixin.
“dawladdu way ka weyntahay wax alshabaab qixiso, alshabaabna ma laha awood ay madaxweyne ku carsadaan”.
Waxa uu intaas ku daray “waxaan joogaa gurigaygii oo aan nabad qab ku joogo”ayuu yiri.
Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/AUDIO_1AD428-F144A4-ADC194-034AA1-9A7916-B10F58.mp3"][/audio]
Wasiirka Warfaafinta Dawladda Somalia Mustafe dhuxulow oo ka hadlay weerarkii caawa dhacay oo ay alshabaab sheegatay, ayaa sheegay in la fashilayay weerarka.
Waxa uu sheegay in Ciidanka Dawladdu dibada kaga hortageen kuwii weerarka soo qaaday.
Laakiinse Sheikh muscab oo ah afhayeen hawlgalada alshabaab wuxuu sheegay inay khasaare badan ku geysteen weerarkan.
Xaalada ayaa hada u muuqata mid degen, wallow warar iskhilaafsan ay ka soo baxayaan baaxada khasaaraha iyo meesha ay ku suganyihiin Madaxdii dawladda qaarkood.