Friday, July 11, 2014

Dad abeeso qaniintay oo u dhintay daawo la’aan Gobolka Saaxil .Daawo video


Dad Xarun caafimaadkooda lagu daryeelo aan haysan oo iskaa wax u qabso ku dhisanaya waddooyin!!Daawo halka hoose ka daawo Warbixin Muuqaal ah




Dadka deegaankaXagal(GNA)-Dad Abeeso  ku dishay deegaamo ka tirsan Xeebta Gobolka Saaxil.




Ugu yaraan afar qof ayaa la sheegay inay abeeso faro baas ku haysa dadku ku cuntay deegaanka Ceel-dhanaane oo ay ka socoto waddo isku xidhaysa Xeebaha Gobolka Saaxil iyo dhulka Gubanka ah.




Warbixin laga diyaariyay wefti ka mid ah Guddida dhismaha waddo caro tuul ah oo la doonayo in lagaga maarmo dhibaato waddo xumo ah oo dadka dhulkaa ku nool haysata ayaa waxa ka hadlay mid ka mid ah Odayaashada Degmada ceel-dhanaan, waxaanu sheegay in bishan oo qudha afar ku ay abeeso ku cuntay deegaankaas.




Waxa uu sheegay in afartan qof mid ka mid ahi u geeriyooday qaniinyada abeesada saddexna u jiifaan, waxaanu odaygan oo ka mid ah duqayda deegaankaasi uu dalbaday in loo sameeyo xarumo caafimaad oo dadka lagu dabiibo.




“afar qof ayay bishan oo qudha cuntay, saddex way jiifaan midna waanu aasnay” ayuu yidhi waxaanu intaasi ku daray “markaa waxa iminka noogu darani waa xarumo caafimaad”ayuu ka sheegay xaflad lagu dhiiri gelinayay ka qayb qaadashada waddo iskaa wax u qabso ay ku socota oo ay hormuud ka yihiin dad qurbo joog u badan oo deegaankaas u dhashay.




sarkaallllllllllWarbixintan oo uu deegaankaas ka soo diyaariyay wariye la socday weftiga qurbo-joogta ah ee mashruuca waddada wada ayaa waxa kale oo ka hadlay Sarkaal ka tirsan Ciidanka ammaanka ee deegaanka, kaasoo sheegay “qofka maxbuuska ah ma geyn karno berbera waddo xumadda awgeed, hadii aanu geynayna iyadoo qofku dambi fududba loo haysto waxa ku baxa boqol Littir oo shidaal ah”.




Nin kale oo isna u hadlay dadka deegaanka ayaa daboolka ka qaaday “saddex Gaadhi oo aan wadadaa ku marayay ayaa igaga fadhiistay waddo xumada halkan ka jirta”.




Si kastaba ha ahaatee baahiyaha dhanka nolosha ee dhulkan ka jirta ayaa u muuqda kuwo aanay dawladdu gurmad wax looga qabanayo oo balaadhan samaynin, marka laga yimaado dariiqa iskaa wax u qabsada lagu dhisayo oo ay  qaadhaan u balan qaaday dhawaan.




Halkan ka Daawo Warbixin dhamaystiran: