Pages

Thursday, July 10, 2014

Argentina Oo Markii 1 aad Tan iyo 1990-Kii Gaadhay Finalka Koobka Aduunka


Waxa is ka xaadirisay ciyaarta kama dambaysta ah ee koobka adduunka xulka Argentine oo rigoodheyaal 4-2 kaga adkaatay kooxda Holland, ciyaar socotay 120 minute oo gool la’aan ah




holand vs argentine




Waa markii koowaad ee Argantine u gudubto ciyaarta kama dambaysta ah ee koobka adduunka tan iyo 1990-kii




Xulka Qaranka Argentine  ayaa 13-ka bishan Germalka ku wajahi doona garoonka Maracana ee caasimada Rio de Janeiro,.




Taariikhda ayaa dib isu celisay , Finalka Koobka aduunkana waxaa markale kulmay Germany iyo Argentina oo koob aduunkii 1990 kii Finalka koobka aduunka ku kulmay, markaas oo xulkii West Germany calfaday oo ku guulaystay.




Kadib markii la isku mari waayay 0-0 , 90 minute ciyaarta loogu tallo gallay iyo 30 kii dheeraadka ahaa ee lagu daray, sidii sharcigu ahaa , wuxuu garsoorihii reer Turkey ee Cuneyt Cakir iclaamiyey rigoodhayaal.




xidigaha Ron Vlaar iyo Wesley Sneijder ayaa xulka Holland ka khasaariyey fursadii rigoodhaha ahayd ee loo dhigay , taas oo guusha u horseeday, Finalka koobka aduunkana u dirtay xulka Argentina, una quus goysay qaranka Netherland.




Habeen aan waxba la isula hadhin ayaa xidigaha Messi oo Argentina ah iyo Robben oo Netherland ahi , waxay isu mari waayeen 0-0 wakhtigii caadiga ahaa, waxaana rigoodhayaashii calfaday xulkii uu watay tababare Alejandro Sabella.