Sunday, July 20, 2014

Al-shabaab oo Qadiyad Muslinimo ku sii daysay 10 Bad-maaxe oo Kenyan ah


Waxay shaqaale ka ahaayeen Markab laga leeyahay Kenya oo ku degay badda Somalia




[caption id="attachment_91270" align="alignleft" width="300"]MV Jamila Markab Ganacsi MV Jamila Markab Ganacsi [/caption]Muqdisho(GNA)-Kooxda Alshabaab ayaa fasaxday toban ka mid ah Shaqaale la socday Markab u afduubnaa oo ku degay xeebta Somalia, kaasoo  toddobaadkii hore ku soo caariyay degaanka Miiraaley oo ka tirsan xeebaha gobolka Shabeelada dhexe, cilad farsamo oo soo waajahday awgeed.




Markabkan MV Jamila ayaa laga leeyahay Kenya, waxaanay alshabaab sheegeen inay dadkan sii daayeen, kaddib markii ay ogaadeen inay muslimiin yihiin.




Alshabaab ayaa dalka Kenya ka wada weeraro joogto ah tan iyo badhtamihii sanadkii hore, waxaanay sheegteen weeraro kale oo dhawaan ka dhacay Gobolka Muslimiintu ku badan yihiin ee xeebta.




Sarkaal ka tirsan Milateriga Somalia ayaa shalay sheegay inay xoog ku soo furteen Shaqaalaha Markankan saarnaa, iyadoo taasi ay waxba kama jiraan ku tilmaameen Alshabaab.




Ninkan markabkanka kabtanka ka ahaa Abuubakar Xaaji Shariif oo u dhashay dalka Kenya, ayaa u mahad celiyay Dagaalyahanada Alshabaab ee gacanta ku hayay, oo uu tilmaamay inay si wanaagsan ula dhaqmeen.




“Waxaan kaga mahad celinaynaa Al-shabaab sida wanaagsan ee ay noola dhaqmeen intii aan gacantooda ku jirnay,” ayuu yiri Abuubakar Xaaji Shariif.




 Tobanka ruux ee la sii daayay ayaa u kala dhashay, Kenya iyo Tanzania, waxaanay soo gaadheen Magaalada Muqdisho.




Madaxa hay’adda badmareenadda Qaarada Afrika, Andrew Mwangura oo maalin sii horaysay ka hadlay, xaalada markabkan oo 10kii bishan gacanta u galay Alshabaab, ayaa sheegay in markabkan uu ahaa mid Ganacsi oo laga leeyahay Kenya, waxaanu intaas raaciyay in dhamaan Shixnadii saarnayd ay kala degeeen Kooxda Alshabaab.




 




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com