Pages

Wednesday, July 16, 2014

100 Qof oo ku dhintay Qarax ka dhacay Afghanistan


[caption id="attachment_91044" align="alignleft" width="300"] "1564 ayaa lagu dilay 2014"UN[/caption]




Kabul(GNA)-Ku dhowaad boqol ruux oo badan rayid ayaa ku dhintay qarax culus oo ka dhacay magaallo ku taalla Gobolka Paktika ee Bariga dalka Afghanistan's, salaasadii shalay.




Daraasiin kale ayaa ku dhaawacmay qaraxan oo  loo adeegsaday Gaadhi laga soo buuxiyay Walxaha qarxa, magaalada Urgun oo waxyar u jirta Xadka uu Pakistan la wadaago dalkaasi.




Goobo ganacsi iyo dhismeyaal dad ku hoos jireen ayaa gabi ahaanba Dhulka la sinmay, waxaana ilaa xalay socday gurmad goobaha caafimaadka lagu gaadhsiinayo dadka ku dhaawacmay weerarkan.




“Qaruxu wuxuu ahaa mid aad u weyn, waxa bur-buray dukaamo badan,  dad ayaa ku jira dhismeyaasha hoostooda”sidaasi waxa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay Guddoomiyaha Gobolka Paktika Mohammad Raza Kharot.




Dadka ku dhintay weerarkan ayaa laga cabsi qabaa inay kordhaan oo ay gaadhayaan ilaa boqol qof in ka badan, iyadoo goor sii horaysay la helay maydadka 89 qof, waxaana maydad kale laga baadhayaa bur-burka dhismeyaasha.




Weerarkan ayaa ku soo beegmay xili ay Qaramada midoobay todobaadkan soo saartay warbixinta dadka ku dhintay Afghanistan sanadkan.




Qaramada midoobay ayaa sheegtay in 1564  lagu dilay dalkaas sanadka 2014, halka  3289 ruux oo kale la dhaawacay, waxaanay tiradaasi aad uga badantahay dilalkii sanadkii hore ka dhacay.




Weerarkan ayaa ku soo beegmay xilli lagu guddo jiro dib u tirinta codadka doorashooyinka ku celiska ah ee bishii hore dalkaa ka dhacay, kuwaasoo dib loo tirinayo sanaaduuqda codka, kaddib markii la sheegay in musuqmaasuq iyo ku shubasho dhacday.




Saddex Musharax , ayaa ku tartamaya Doorashadan, waxaana ka mid ah Cabdalla cabdalla oo ah Wasiirkii hore ee Maaliyadda dalkaas.