Monday, June 9, 2014

Xulka Kubadda Cagta Gobolka Sool oo qaadacay tartanka Ciyaaraha Gobolada ee Puntland


Tartanka Ciyaaraha Gobollada Puntland oo Garoowe ka furmaya Garoowe iyo xulka Gobolka Bari oo lala soo dardaarmay




 SoolGaroowe(GNA)-Xulka Kubadda Cagta ee Gobolka Sool ayaa ka biyo diiday inay ka qayb-galaan tartanka Ciyaaraha Gobollada  Puntland oo 10 Bisha June ka furmaya Magaalada Garoowe ee Caasimada Gobolka Nugaal.




Waxay ka biyo diidsanyihiin sida loola dhaqmo iyo dayac dhinaca Maamulka Ciyaaraha ah oo ay la kulmeen sanadihii hore ay ka qayb-galeen.




Tartankan oo ka kooban Kubadda Cagta iyo Oroddada, ayaa ka dhacaya Garoonka Mirre Awaare ee Magaalada Garoowe.




9 Gobol, ayaa ka qayb-gelaya, inkasta oo ay xulka Gobolka sool diideen, iyagoo sheegtey in aysan wax xaquuq ah ku helin dhalinyaradu Goorta ay tagan garowe, halka dhallinyarada Kalena la siiyo Muhiiimiyad gaar ah iyaga oo ku dhalliilaya mar weliba masuuliyiinta gobolada ka soo jeeda ee xilalka ka haya dowlada arrintaasi.




Xulka Gobolka Barribaru




Geesta kale, Xulka kubada Cagta Gobolka Bari ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari,kuwaas oo kusii jeeda magaalada Garowe ee Caasimada Puntland,oo ay kaga qayb galayaan Cayaaraha Gobolada Puntland.




 Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan ayaa ambabixiyay Cayaaryahanada Bari,waxaana ka hor inta aysan ka tagin magaalada,lagula dardaarmay inay dhowraan Xeerarka iyo anshaxa u yaala Cayaaraha Gobolada Puntland.




Qaar ka mid ah xulalka metelaya Gobollada kale ayaa iyaguna soo gaadhay Garoowe, iyadoo lagu jiro diyaar garowgii ugu dambeeyey ee furitaanka Ciyaaraha.




Warsame Cabdi Ibraahim




Gobanimonews




Garoowe Office




Email:Goojacadewebsite@gmail.com