Cabdifataax Sisi ma bedeli doonaa dariiqii uu ku halaagmay Mursi, Muxuuse ku soo kordhin doonaa Qaarada Afrika iyo dalkiisa kala qaybsamay...
Muqdisho(GNA)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefti uu hogaaminayo ayaa u kicitimay dalka Masar maanta oo sabti ah.
Kani waa safarkii labaad ee uu ku tago Xasan Sheikh waddanka Taariikiga ah ee Masar oo labadii sanadood ee ugu dambeeyay qul-qulatooyin siyaasadeed la dageen, kaddib markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii dimuquraadiga ahaa ee Maxamed Mursi.
Mursi ayaa ahaa hogaamiye Taageero badan ka haysta Ururka ugu faca weyn dhaqdhaqaaqyada Siyaasiga ah ee dalkaasi, waxaana tan iyo markii la inqilaabay dalku ka degi la’yahay dibad baxyo lagu dalbanayo in xukunka lagu soo celiyo.
Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ee Masar ayaa ah mid uu kaga qayb gelayo caleemo saarka hogaamiyihii hore ee Mileriga Dalkaas oo todobaadkii hore Madaxweyne loo doortay.
Cabdifataax Siisi ayaa ku guulaystay aqlabiyada codadka doorashooyin dalkaasi ka dhacay oo ay u soo baxeen kala badh in ka yar shacbiga reer Masar, waxaanu helay 95% codadkii codbixiyeyaasha.
Xasan Sheikh Maxamuud ayaan warbaahinta la hadlin markii uu ka dhoofayey Madaarka, hase ahaatee saraakiisha Madaxtooyada ayaa laga soo xigtay inuu kulamo la yeelan doono madaxda Jaamicada Carabta inta uu qaahira joogo.
Doorashada Cabdifataax Siisi ee Masar ayaa ah mid wajiyo badan loo tafsiirayo, waana nin cilaaqaad wanaagsan la leh Dunida reer Galbeedka iyo carabta oo uu sucuudigu ku jiro.
Waxaase ka soo horjeeda hogaamiyeyaasha Turkiga, Suuriya iyo wadamo kale oo carab ah.
Waxa Jananka guud ee Ciidamada u magacaabay Madaxweynaha uu xabsiga dhigay ee Maxamed Mursi oo ay ka soo wada qayb qaateen kacdoonkii lagu riday Madaxweynihii hore ee dalkaas Xusni Mobarik.
Xidhiidhka Masar iyo Soomaaliya ayaa ah mid ka xaasaasisan dalalka ee carabta marka loo eego duruufaha ku gedaaman gobolka iyo aragtiyaha siyaasadeed khusuusiga ah.
Madaxweynihii Mursi ayaa isku dayay inuu xidhiidh wanaagsan la sameeyo Soomaaliya si uu culays u saaro dawladda Itoobiya oo khilaadka Biyaha Nile-ku dib u soo laba kacleeyey intii uu xukunka hayay.
Qaar ka mid ah Urur-diimeedyada lagu tilmaamo inay ku soo xoogaysanayaan fagaareyaasha siyaasada ee Gobolka ayaa lagu tiriyaa inay ka soo farcamaan Ururka Ikwaanu Muslimiinka iyo kuwo kale oo aan ka fogayn oo isbahaysi la leh.
Dooda hada soo baxaysa ayaa ah saameyn intee le’eeg ayuu ku Cabdifataax sisi ku yeelan doona siyaasadda Afrika? Wax ma ka bedeli doonaa dariiqii uu ku haligmay Mursi? mase waajihi doonaa dariiq cusub oo uu ku midaynayo Masaarida sii kala fogaanaysa ee nacaybka siyaasaddeed dhexdooda ka abuurmay intii xaalku qasnaa?
Dhinaca kale, booqashada Xasan Sheikh Maxamuud ma tahay mid istaraatiijiyad ku dhisan oo aan sawir khaldan bixin Karin?.
Dhamaan arrimahan oo dhami waxa jawaabtooda la heli doonaa marka uu shaqadiisa guda galo hogaamiyahan Milateriga Masar muddada dheer soo xukumayay oo sawirkiisu dunida inteeda badan ku cusbayn.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com