Pages

Saturday, June 7, 2014

Wardegdeg ah: Hogaamiyihii Dagaalyahanada Buuraha Galgala Sheekh Maxamed Siciid (Atom)Oo Isku Dhiibay Dowlada Soomaaliya


Muqdisho(GNA)-Hogaamiyihii Kooxaha Dagaalyahanka ah ee katirsan Ururka xagjirka ah ee Alshabaab ee buuraleyda Galagala, Sheekh Maxamed Siciid(Atom), ayaa maanta isu dhiibay Dowlada fedraalka Soomaaliya isagoo shir jaraa,id ku qabtey isla maanta Magaalada Muqdisho uu kaga hadlayo mowqifka uu qaatey iyo go,aanka uu isugu dhiibay omaaliya ayaa cadeeyay, in uu isku soo dhiibay Dowlada Soomaaliya, isagoo xusey in uu dagaal kula jirey Maamulkii Madexweynihii hore ee Puntland,  Cabdiraxmaan Maxamed Maxmuud(Faroole), isagoo dhinaca kalena, sheegay in uu markii dambe xidhiidh la sameeyay Kooxda Alshabaab, waxaanu carabka ku dhuftey in uu Kooxdaasi xidhiidh la lahaa mudo sadex sanadood kusiman.




Sheekh Atom, oo Shirkiisa Jaraa,id kadib Warbaahintu su,aalo ka weydiisey mowqifkiisa xiligan, ayaa ka deyriyay in uu dagaal dambe lagali doono Kooxdaasi Alshabaab ee uu carabka ku dhuftey in ay xidhiidh lahaayeen mudo sadex sanadood, ah kadib markii ay ugu yimaadeen Buuraha Galagala ee uu kula dagaalamay Maamulka Dowlada Puntland ee xiligii Faroole, waxaanu hadalkiisa kusoo koobay, in uu noqon doono wakhtigan kadib odey ka shaqeeya dhinaca Nabada islamarkaana, aanay Kooxda Alshabaab u baahneyn in adagaal adag lala galo balse, lagu dayo masaalixo iyo in lasoo hanuuniyo sida uu hadalkiisa u dhigay.




Waxa kale oo uu Sheekh Atom, ku sheegay Shirkiisa Jaraa,id  in uu diyaar u yahey in uu la shaqeynayo Xukuumada Soomaaliya.




Sheekh Maxamed Siciid (Atom), ayaa  la sheegay in uu ku dhashey Deegaanka, Buuraleyda Galgala isagoo sanadihii u dambeeyay deganaa Magaalada Boosaaso ee Xeebta Puntland, waxaana da’diisa lagu qiyaasey in uu yahey ilaa afartan jir,waxaanu ahaa beeraley aan ka fogaanin  deegaankaasi islamarkaana, aan u baqoolin meel kale.