Hargeisa(GNA):-Gudida Qaban Qaabada Shirka Websiteyada Ka Hawlgala Somaliland ayaa Shaacisay Iyo Mudada Rasmiga Ah Ee Uu Dhacayo.
Kulan ay Yeesheen qaar ka mid ah dadka ka shaqeeya Websiteyada Somaliland ayaa Habeenkii Xalay ka qabsoomay Hotel Hadhwanaag ee Magaalada Hargeisa,sida lagu sheegay war qoraal ah.
Gudida Qaban Qaabada Shirka Websiteyada Somaliland ayaa kulankaasi ay yeesheen waxay si qotodheer iskula lafa gureen sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ku gadaaman howl wadeenada Websiteyada Somaliland,iyadoo kulankaasi la iskaga dhexdoortey Shan Xubnood oo iyagu qaban qaabin doona Shirkaasi Websiteyada.
Gudidan Ayaa Waxay Ku Soo Gudbiyeen Xubnaha Qaban Qaabadu Shirka Websiteyada.Mudada Rasmi Ga Ah ee la isku iman doono Oo Ah 13/06/2014 Maalinta Jimcaha Habeenka Sabtidu soo galeyso Waxaana Lagu Qaban Doonaa Huteel Hadhwanaag Ee Magaalada Hargeisa.
Gudida Qaban Qaabada Shirkani Oo Ka Kooban Shan Xubnood ayaa waxaa Gudoomiye loogu Doortey Wariye:Maxamed Jiciir Aw Axmed Xubnahan Gudida Qaban Qaabada oo dhamaantood ka kala howl gala Websiteyada Somaliland Ayaa Kala Ah:-
Jamaal Cabdi Muxumed(Daadmadheedhnews)
Maxamed Jiciir Aw Axmed(Radio Hormuud)
Aadan Jaamac X-Cali(Saaxilpress)
C/Raxmaan Sh Xasan(Hadhwanaagnews)
Cumar C/Risaaq Cali(Magudhenews)
Gudida Qaban Qaabda Shirkani Oo Dhamaan Ugu Baaqaysa Masuuliyiinta Mareegaha In Ay Ka Soo Qayb Galaan Shirkani Kaasi Oo Lag Wada Xaajoon Doono Wax Yaabo Badan Oo Dan U Ah Mareegaha Somaliland Ka Hawl Gala.