Saturday, June 7, 2014

UGANDA: Ammaanka oo la dkeeyey iyo cabsi laga qabo qaraxyo


Kampala(GNA)-Magalada kampala caasimada dalka Uganda ayaa amaankeed la adkeeyey iyadoo la keeney ciidamo fara badan.




Talaabadan ayaa ka dambeysay, kadib markii laamaha ammaanku soo saareen digniin la xidhidha weeraro kayimada ururka alshabaab oo la sheegay inay qorshaynayaan qaraxyo ay ka geysanayaan magalada kampala.




Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee ladagaalanka argagixisada ayaa lagu arkayaa goobaha kaniisadaha iyo meelaha bulshadu iskuku yimadan.




Waxa magalada kampala laga daremaya cabsi ku aadan inay dhacan falal lid ku ah amniga.




Warbahinta dalka uganda ayaa sheegtay inay jirto feejignaan ku aadan dhinaca ammaanka kadib hanjabaad ka timid ururka al shabaab.




Baaritaano dheeraad ah ayaa kasocda goobaha qaarkood ee magalada kampala.




 Ururka alshabaab ayaa hore u sheegay inay weeraro ka fulin doonaan magaloyinka wadamada ciidamadoodu ku sugan yihiin dalka somaliya.




Sanadkii 2010 ayay ahayd markii ururka alshabaab ay weraro kagaysten magalada kampala ee dalka,halkaasoo ay ku dileen  70 ruux.




Cabdiraxmaan Buurdhaab




Gobanimonews




kitale Kenya/ Office