Maxaabiis la soo daayay, Siilaanyo oo dareenkiisa hadlay, doodda bulshada dhex taala iyo dhaqan-gelinta Heshiis dul ka xaadis ah”Warbixin
Hargeysa(GNA)-Dhinacyada uu u dhexeeyo Khilaafka Kulmiye ee ay kala hogaaminayaan Madaxweynaha Somaliland iyo hogaanka Xisbigaasi ayaa ku dhawaaqay inay ku qanceen natiijada dhexdhexaadinta Guddida guurtida, markii loo akhriyey kaddib.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi ayaa sheegay inuu adagyahay go’aanka Guddida Guurtida Somaliland ka soo saareen Khilaafka Kulmiye.
Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay kulankii Maanta lagaga dhawaaqay Go’aanka lagu xaliyey Khilaafku wuxuu sheegay inuu qaatay garta ay guurtidu ka taliyeen “Inkasta oo ay adagtahay sida wax u jiraan, hadana waan qaatay go’aanka. Danta Qaranka anigoo eegaya waan qaatay, si kastab ha ahaatee “.
Muuse Biixi ayaa wajigiisa laga dheehanayay inaanu ku niyad samayn waxa ka soo baxay dhexdhexaadintii Golaha, waxaase muuqata inay dantu ku khasabtay isaga iyo ku-xigeenkiisa qaadasha waxa ka soo baxay Guurtida.
Go’aanka Golaha Guurtidu soo saartay ayaa u muuqda mid u xaglinaya dhinaca rabitaankii garabka xukuumadda ee dhinacyada Khilaafku ka dhexeeyey, sababtoo ay tahay waxa la go’aamiyay in sidooda loo ansixiyo go’aamadii ka soo baxay shirweynaha Xisbiga ee 3-aad oo ay ku jiraan Liisaskii Golaha dhexe iyo Guddida fulinta ee Shir-guddoonku ku dhawaaqay.
Siilaanyo
Madaxweyne siilaanyo oo la waydiiyey sida uu u arko go’aanka Golaha Guurtida, ayaa isna ku jawaabay “waad aragtaan waxaa la soo saaray, waan qaatay, wax kasta oo ay yihiinba, waxana ka talisay guurtidii qaranka”ayuu yidhi Siilaanyo.
Saleban-gaal
Guddoomiyaha Golaha Guurtida ayaa sheegay inay hogaanka XIsbiga iyo Madaxweynuhu wixii ka dhiman heshiiska ka wada hadli doonaan “wixii ka dhiman idinka ayaa naash naashi doona, waanu idiin ducaynaynaa”ayuu yidhi.
Dadka ka faalooda arrimaha Siyaasadda
Taageerayaasha iyo dadka ka faalooda arrimaha Siyaasadda ayaa aaminsan in Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi wax badan ka tanaasulay, tanaasulkaasoo ilaa hada waxa uu dhaafsaday lays weydiinayo “waxa jira wax hoose oo heshiis lagu yahay, waxaana ka mid ah in hogaanka Xisbigu xukuumada ku soo biiro oo dibada laga soo xereeyo iyo in wax badan laga bedelo nidaamka Xisbiga”sidaas waxa Gobanimonews u sheegay khabiir Siyaasaddeed.
Mid kale oo ka aragti duwan ayaa “Meesha hadii Guddidii fulinta iyo Golihii dhexeba la siiyey garabka Xukuumadda Muuse Biixi waa laga adkaaday, wax kale oo uu yeelo ayuu garan waayay”.
Maxaabiis la sii daayay
Heshiiskan labada dhinac ayaa markii lagu dhawaaqay waxa ooda laga qaaday dad badan oo u xidhnaa khilaafka Xisbiga Kulmiye, waxaana ka mid ah Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga Cabdilaahi Abokor Cismaan iyo dhawr iyo toban qof oo kale.
Dadkaasi ayaa todobaadkii la soo dhaafay xabsiga loo taxaabay, waxaana qaarkood lagu eeddeeyey inay ka dambeeyeen Qaraxyadii Shaanida ahaa ee lagu qarxiyay Magaalada intii Muranku aloosnaa.
Dareenka Dadweynaha
Marka la eego sawirka guud ee bulshada uga muuqda Heshiiskan, dadku way soo dhaweynayaan sababtoo ah waxa jirtay cabsi dhanka ammaanka ah hadii khilaafku sii xumaado.
Dad badan oo aan ku qancin heshiiskan ayaa hadana u arka inuu dan u yahay nabad-gelyada dalka, waxaanay bulshadu u dheg taagaysaa meesha looga dhaqaaqo halka xaalku hada marayo oo ah mid wali dedan, isla markaana qadaf badani dhacay.
Labada dhinac ayaa hadii ay heshiiskan ku wada qanceen loo baahanyahay inay u ku dhaqaaqaan sidii ay meesha uga saari lahaayeen wixii qadaf iyo qardoofo dhacday, taasoo marka laga arko si buuxda loo dhadhaminayo ku dhaqanka go’aanka laysugu soo dhaweynayo.
Saleban Cabdi Cali
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com