Tiradda wadamada USA ammaanka Mawaadiniinteeda ka walaacsantahay ee Afrika oo sii kordhaya…
Djibouti(GNA)-Dawladda Mareykanka ayaa muwaadiniinsteeda ku sugan dalka Jabuuti uga digtay inay tagaan goobaha ay shacabku isugu yimaadaan ee Magaalooyinka, hoteellada waaweyn iyo fagaarayaasha, si aan loo bartilmaameedsan.
USA ayaa walaac ka muujisay in la batrtilmaameedsado dadkooda ku nool gudaha Djibouti, kuwaasoo ay uga digtay inay la kulmaan weerarro argagaxiso.
Hadal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa loogu sheegay dad haysta Dhalashada dalkaas.
“Way sii kordhayaan warbixinnada aan helayno ee ku saabsan inay soo wajahan yihiin weerarrada argagaxiso ee ka dhanka ah shaqsiyaadka Mareykanka ee ku sugan Qaaradda Afrika, marka waxaan uga digaynaa shacabka Mareykanka inay ka fogaadaan goobaha ay khataraha argagaxiso ka dhici karaan” ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.
Sidoo kale, dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in weerarkii ka dhacay Jabuuti 24-kii bishii May ee lasoo dhaafay ay ahaayeen kuwo argagaxiso oo lagu beegsanayay dadka reer galbeedka ah, sidaasi darteed waxay shaqaalada Safaarada Maraykanka ku yidhaahdeen.
“Shaqaalaha safaaradda Mareykanka ee Jabuuti waa inay ka fogaadaan hoteellada, baararka iyo goobaha kale ee ay shacabku isugu yimaadaan”ayaa wasaaraddu hadalkeeda ku tidhi.
Djibouti
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dawladda Jibouti oo la xidhiidha arrintan, hase ahaatee wali waxa dalkaasi ka socda baadhitaano lagu hayo dad la tuhunsanyahay inay ku lug lahaayeen weerarkii dhawaan lagu qaaday xarunta Biirka lagu cabo ee ku taala Magaalada Djibouti.
Taleefishanka iyo Ideecada Djibouti ayaa maalmihii la soo dhaafay laga baahiyey sawirrada saddex nin oo dhalinyaro ah oo la tuhunsanyahay inay ka qayb-qaateen Weerarkii 24-kii May dhacay, kuwaasoo Shacbiga laga codsaday inay soo sheegaan hadii ay arkaan.
Dawladd ayaa sheegtay inay dad badan u qabqabtay weerarkaas, kuwaasoo hay’adaha baadhistu ay gacanta ku hayaan.
Digniino hore
Dawladda Maraykanka ayaa hore digniinno dhanka amniga uga soo saartay dalalka Kenya, Soomaaliya, Somaliland, Ethiopia iyo dalal kale oo gobolka ku yaala, kuwaasoo ay mawaadiniinteeda uga digtay inay u safraan, kuwa ka shaqeeyaan ay foojignaadaan.
Digniintii ugu dambeysay ayaa ay ka soo saartay suurto galnimada weerar argagixiso oo laga fuliyo gudaha dalka itoobiya, taasoo ay dawladda dalkaas xogo ka siisay.
Sheegashada Al-shabaab
Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Djibouti ka dhacay.
Hore ayay kooxdu balan ugu qaaday inay dagaalkeeda ku fidinayso wadamada Ciidamada Nabad-ilaalintu ka joogaan Soomaaliya.
Gobanimonews
Nairobi Office
Email: editor@gobanimonews.com