Pages

Sunday, June 8, 2014

Maayirka Boorama iyo Wefti Ajaanib ah oo lagu soo dhaweeyay Sweden


OSLOO-300x168Malmo(GNA) Waxaa si weyn loogu soo dhaweeyey mayorka degmada Borama Suleiman iyo maalqabeeno swedesh ah oo uu ka mid yahay Mekail ayaa waxay ka dhacday hool weyn oo ku yaala caasimada labaad ee sweden malmo kulankaas oo uu jeedadiisu ahayd ururintii dhaqaalaha dekeda lughaya ayaa waxa qabanqabadeeda lahaa urur ay hogaaminyeen Cqaadir c/raxmaan awganbole, maymuun sh,cismaan iyo dhalinyaro kale oo aad u firfircoon.




 




waxa ugu horeyn halkaa ka hadlay maamulkii hawshan qabanqaabinayey o runtii si diiran ugu soo dhaweeyey weftigii iskaga kala timid scandanevianka oo dhan kaas oo gobol kasta ama wadan kasta ay soo dirteen gudi afkooda ku hadasha isla markaana gudbiya fariimaha ay dadkii ay yimaadeen u soo dhiibeen iyo qaadhaan wixii ay halkaa ku wareejinayaan iyo qorshooda danbe ee wejiyada danbe ee lacag uruinta. waxa halkaa hadalo wax ku ool ah ka soo jeediyey qurbojoog aad u farabadan adna ugu faraxsan waftiga uu hogaaminayo mayor suleiman waxaana ka mid ahaa dadkii halkaa ka hadlay siciid muumin yaabe oo ah fanaan caan ah isla markaan ku dhiiri geliyey dadka reer awdal in aanay isku koobin oo keliya dekada ee ay isqaybiyaan isla markaana degmooyinka kale aanay iloobin maadaama ilaahay inaga dhigay dad balaadhan oo qaybsami kara.




 




Ugu danbayntii hadalka lagu soo dhaweeyey mekael oo ka mid ah weftiga uu mayorku hogaaminayey kaa soo sheegay in ay reer borama nasiib u heleen mayor aad u firfircoon isla markaana ay ka go’an tahay in uu wadankiisa wax u qabto kuna dhiirigeliyey in uu u dulqaato iskuna wado dadkiisa una sheegay aanay marnaba dhici karin in la helo 21 qof oo meel iskugu yimi oo wada wanaagsan sidaa awgeedbuu yidhi haloo dulqaato shaqsiyaadka aanu wanaaga iyo horumarku u muuqan ee inta badana waxa lag yaqaanaa dad kale ayuu ku soo gabadaa e ma badheedho.




 




waxaanu halkaa mekael ka cadeeyey in ay mayorka ku gara btaagan yihiin waxkasta oo horumar ah oo uu qabanayo aniga iyo niman kale oo saaxiibaday ah oo dhisi doona garoonka aniguna aan dhisi doono isguulka dadka curyaamiinta wax lagu baro ayuu yidhi mekael waxa kale oo uu halkaa ka sheegay in uu mayor naga codsadey in qashinka oo imika shirkadi gacanta ku hayso wax lagala qabto waanan ka balanay ayuu yidhi.




 




waxa ugu danbayntii si wanaagsan halkaa uga hadlay mayor suleiman oo runtii dadka ka codsaday in la weydiiyo su’aalo wixii ay hayaan kana warbixiyey muranka golaha maalin walba qaylinaya halkaana kacadeeye in aaanu muranku ahayn mid cunfi ku jiro lkn ay jiraan shaqsiyaad dangaara leh magaca golahana wata lkn noo muuqda waxaanan udulqaadanynaa inta ilaahay soo hadaynaayo noona soo duceeya idinkana waan idiinsoo ducaynaynaaye iska daaya fariimaha la socda 2boqol ee biilka ah waxaana ugu danbayntii isaga iyo weftigiisaba halkaa lagu gudoonsiiyey hadiyado kala duwan




Gobanimo news




Malmo/Sweden