Pages

Sunday, June 8, 2014

Guddida Dib u eegista Dastuurka Somalia oo Shir uga socdo Kampala


jaw_3Kampala(GNA)-Gudoomiyaha Golaha barlamaanka dalka somaliya mudane mahamed sheekh cusmaan jawhari ayaa kormerey siminaar guddiga dib u eegista dastuurka ee barlamaanka somaliya uga furmey magalada kampala ee caasimada dalka Uganda.




Gudomiyaha ayaa warbixin ka dhegeystay  xoghayaha guddiga dastuurka ee barlamaanka xildhibaan ibrahim salax Deyfullah, kaasoo tafaasiil ka bixiyay qaabka sibinaarku u furmay iyo sida uu u socdo.




Xildhibaanka ayaa  tilmaamay in guddiga dastuurku laga soo bilaabo 3 june ila maanta ay ka shaqeeyen dib u eegista 1 ila 10 cutub oo katirsan dastuurka dalka somaliya.




Gudomiyaha barlamaanka  Maxamed sheekh cusmaan jawhari oo la hadley xubnaha guddiga dastuurka barlaamanka ayaa  gudiga xususiyey howsha adeg ee hortaala.




S’iminaarkan oo guddiga dib u eegista dastuurka barlamaanka uga furmey hotel Imperial beach oo ku dhow garoonka diyaarada entebbe ee magalada kampala ayaa waxa qabanqabisay hayada Mexplan foundation waxanu soo dhamaanayaa 11 bishan june. jaw_6 jaw_7




Gobanimonews                      




Nairobi Office




Email: buurdhaab4@gmail.com