Pages

Sunday, June 8, 2014

Golaha Macallimiinta: Banddooda ma yeelaynnee, Bye bye madaxweynahow".


Waa heshiis aan sal iyo raad toona lahayn hadaaqa maanta ee ay garoosrka ka ahaayeen Golaha Guurtida ee KULMIYE. Mar ay noqotaba dib ayuu u qarxayaa. Maansadani waxa ay taageero u tahay Mujaahid Biixi iyo Mujaahid Kaahin




 




Anoon bambo haynnin qarax




Bud iyo wadan toorri huba




Anoon siday baybayshee




Bilaash igu joojisee




Adaa baxar naga dalbaday




Bannaan-bax adaa codsaday




Allow waagu ii beryaa




Waxaan ahay baawarkii




Hoheey farta bidix codayn




Boqree dulmiyaha ka dhigay




Midkii boqolkiiba fawd




Bannaanka ka qaata qayb




 




Banddooda ma yeelaynnee




Bye bye madaxweynahow




Waxaan barbarkiisa ahay




Mujaahidka Biixi iyo




Buruudsame Kaahin iyo




Ninkii shalay baanashada




Ku saaray bartaad fadhido




 




Baroor ma calaacalee




Haddaad belo ”kaalay” tidhi




Qaddaafi wixii la baday




Bartuu Cali Saalax maray




Ha daawannin beenahee




BBC-da faalladiyo




Jazeera warkeeda bogo




 




Bilays nama joojin karo




Waheey birmadkaan liqaa




Boggayga adduun ma galo




Barbaarta saqiiriyow




Adaa bilis geeyay jeel




 




Banddooda ma yeelaynnee




Bye bye madaxweynahow




Waxaan barbarkiisa ahay




Mujaahidka Biixi iyo




Buruudsame Kaahin iyo




Ninkii shalay baanashada




Ku saaray bartaad fadhido




 




Khadar Maxamed




AF-HAYEENKA GOLAHA MACALLIMIINTA QARANKA