Pages

Saturday, June 7, 2014

Dawladda oo Gacanta ku dhigtay Hogaamiyihii Al-shabaab ee Galgala oo isu soo dhiibay


Hogaamiyihii Al-shabaab ee Buuralayda Galgala ee Al-shabaab oo Dhabarka ka jebiyay Saaxiibayaashii…Akhri dareenka dawladdu ku soo dhaweysay iyo sababta uu isu dhiibay..




DhuxulowMogadishu, 07 June 2014(GNA)- Wasiirka Warfaafinta Dawladda Soomaaliya Mustafe Dhuxulow, ayaa soo dhaweeyay go’aanka uu isku soo dhiibay hogaamiyihii Ururka Al-shabaab ee Buuralayda Galgala Maxamed Siciid Atom oo maanta Muqdisho iska soo dhiibay,




“Anigoo ku hadlaya magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Dowladda Somalia, Waxaaradda Warfaafintu waxey ammaaneysaa doorka Sheekh Maxamed Saciid Atom oo uu iska diiday ka mid noqoshada Al-Shabaab, annagoo rajeyneyna in go’aanka geesinimada leh uu dhiiri gelin doono kuwal Al-Shabaab la jooga inay tusaale ka dhigtaan oo midnimada iyo nabadda dalka ka qeybqaataan”ayuu yiri Dhuxulow.




Maxamed Siciid muddo dheer hogaaminayay faraca Al-shabaab ee Deegaamada Puntland,waxaanu halkaas dagaalo qadhaadh kula galay Ciidamada Puntland, xiligii Maamulkii Faroole talada hayay, iyadoo dhawaana Maleeshiyaadka uu hogaamiyaa dilal ka geysteen Gobolka Barri.




Atom ayaa cadaawaddiisa al-shabaabnimo ku waajahay Puntland, waxaanu sidoo kale ka qayb-qaatay dagaalo ka dhacay Koonfurta Dalka.




Wasiir Dhuxulow




Wasiir Dhuxulow oo Shir jaraa’id ay wada qabteen Maxamed Atom ayaa hadalkiisa raaciyay “Seekh Atom waxaa kashifay xaqiiqada dhabta ah ee Al-Shabaab oo ficilkoodu uusan aheyn mid Islaamka iyo Soomaalinimada aaminsan oo ay kooxo ajaanib ah ay ku amarku taagleeyaan oo ay dhexdooda isku diraan. Macluumaadka hoose ee uu ka bixiyey ku hoos noolaanshaha kooxaha Al-Shabaab ayaa si buuxda uga soo horjeeda beenta iyo mala-awaalka ay warbaahinta ka sheegan jireen, shacabka Soomaaliyeedna aad bey uga mahadcelinayaan Sheekh Atom inuu ka shifay beentii ay dhoodhoobi jireen kooxahan argagaxisada ah. Diidmada ay dadka u diideen in gar-gaarka bani’aadanimo la gaarsiiyo ayaa ah dembi laga galay shacabka Soomaaliyeed, Sheekh Atom cabirkiisa ku wajahan arrinkan ayaaba dhameystiraya fikirkan qaldan oo uu yiri “Kama naxaan shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatadu heysato, sida kuwa barakacayaasha ah oo ay ka hor-istaageen in la gaarsiiyo gar-gaarka bani’aadanimo ee ka kala imaanayey dhammaan beesha caalamka.




 




Dowladda Federaalka ee Soomaaliya dhowr jeer bey ku celcelisay in cid allaale iyo cidii fahamta khaladka ay ku jirto oo caddeysa inay qoryaha iska dhigeen in la siinayo fursad ay shacabka uga mid noqdaan oo la badbaadinayo. Sida uu sheegay Sheekh Atom, fikir kala duwanaanshaheena waxaan ku dhameyn karnaa si nabad ah”ayuu wasiirka Warfaafinta Dawladda Somaliya sheegay.




Sheikh Atom




 “Waxaan jeclaan lahaa inaan halkan ka caddeeyo laga bilaabo maanta inaan go’aansaday inaan ku xaliyo arrimaheyga diinta iyo siyaasaddaba is nabad ah iyo is faham.” Sidaas waxa yiri Sheikh Atom oo isna ka hadlay soo dhaweynta loo sameeyey.




“Anigoo ah Sheikh Maxamed Siciid Maxamed (Atom), waxaan u hayaa shacabka Soomaaliyeed farriin muhiim ah.




 




Waxaan in muddo ah u dulqaadanayey qaladka Axmed Cabdi Godane iyo shabakadiisa ay ku hayaan shareecada Islaamka iyo dadka muslimiinta ah”ayuu yiri Maxamed Siciid Atom.




Isagoo hadalkiisa qodobeynaya waxa uu yidhi “Waxaan maanta go’aansaday inaan iskaga tago Xarakada Al-Shabaab arrimo badan awgood.




1. Waxaa dhalinyarada loo sheegay in loo dagaalamayo iskuxirka shareecada islaamka, dadkana waxbay ka xukumaan, haddana Axmed iyo shabakadiisu shareecada ma qabato umana hogaansamaan.




2. Waxey baneysteen dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee muslimka ah, sidaas darteed waxey ku laayaan suuqyada, jidadka ilaa masaajidka.




3. Waxey baneysteen dhiiga Culumada Muslimiinta iyo qof kast oo muhiim ah oo ay mas’alo isku khilaafaan, ilaa culumada ku dhex laayaan masaajida dhexdeeda.




4. Jihaadku waa Cibaado Allaah baa iska leh, waa wax laga doonaayo muslimiinta oo dhan, weliba iyagoo isku duuban. Axmed Cabdi waxa uu ka dhigtay wax uu isaga iska leeyahay, sidaas daraadeed, waxuu amar ku bixiyey in la laayo, hubkana laga qaato cidii kale ee hub qaadata, waxeyna ka dhigaan mid ay dilaan, mid ay xiraan, mid ay duleeyaan iyo mid iskaga carara.




5. Xagga shacabka qaxa iyo rafaadka ay ku jiraan wax naxariis ah uma hayaan, waxeyna ku sameeyaan, cunaqabateyn dad maato ah oo muslimiin ah oo tabaaleysan.




6. Waxaan u sheegayaa dhalinyarada qofka shabaab ka tagay, ma aha qof islaanimada ka tagay, qofkii fikirkooda dhaliilana ma aha qof diinta islaamka wax ka sheegay. Maxaa yeelay, islaanimadu waa diin ee ma aha dad gaar ah fikirkood.




7. Dadka muslimiinta ah waa ay is khilaafi karaan, laakin ilaahay waxuu amray inay kitaabka iskula noqdaan iyaguna midoobaan, labadaas arrimood Axmed iyo shabakadiisa waa lagala quustay. Midnimo umadeed iyo marjac kitaab midna ma rabaan, Sidaas daraadeed, waxaan tuhunsanahay inaanay ka marnayn dano shisheeye. Haddaba waxaan cadaynayaa inaan maanta waxii ka danbeeya aan mabaadiidayda iyo fikirkeyga aan ku gudbisan doono qaab nabadeed iyo Isfaham, arrinkaasna waxaan isla garanay dowladda Soomaaliyeed. Waxaanan uga mahadcelinayaa sida la ii soo dhoweeyey”.




Sarkaalkii saddexaad ee Al-shabaab ka baxsaday




Sheikh Atom ayaa noqonaya masuulkii saddexaad ee ka baxsada Ururka Shabaab ee gacanta dawladda iska dhiiba.




Waxa uu muddo hogaaminayay Maleeshiyaad ka dagaalama Buuralayda galgala.




hase ahaatee Hogaanka Alshabaab ayaa dhawaan Nin cusub u soo magacaabay Jiidaas, waxaanay taasi miisaan tiraysaa go'aanka uu isku soo dhiibay.




qadiyada Dagaalkiisa Jiidaas ayaa ku bilaabmay diidmo uu kala horyimi mashaariic macdan baadhis ah oo Maamulkii Faroole oo halkaas ka bilaabay shan sanno ka hor.




Horey waxa isu soo dhiibay Sheikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa hogaamiyeyaasha sarsare ee Xarakada.




Sheikh Bismilaah Nin la yidhaahdo ayaa isaguna dhwaan isu soo dhiibay Dawladda, waxaanay arimahani dhabar jab ku noqonayaan dagaalka Ururka Al-shabaab.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com