Friday, June 6, 2014

Cisbitaal lagu daaweynayo Xanuunno dibada loo tegi jiray oo Hargeysa laga furay.Daawo


Xarunta Global Polly Clinic ee Hargeysa dadka xanuunadooda dalka wax lagaga qaban kari waayay u diraysa Cisbitaalo Hindia ku yaala.Hoos ka Daawo Waraysi




 


 vlcsnap-2014-06-05-15h10m37s173Hargeysa(GNA)-Xarunta Caafimaadka ee  Global Polly Clinic waa Cisbitaal gaar loo leeyahay oo lagaga furay Magaalada Hargeysa, taasoo ay ka hawl-galaan Dhakhaatiir Ajaanib ah iyo kuwa dalka u dhashay.





Waxay xarumo ku leedahay Somalia, Somaliland iyo dalal kale oo ay ka mid tahay Hindia.




Bixinta Adeegyadeeda gudaha waxa u dheer inay dadka bukaanka ah u dirto dhakhaatiir kale oo ku kala yaala dalalka Shiinaha iyo Hindia, kuwaasoo ay Fiiseyaasha uga dalbayso Safaarada Hindia ee Magaalada Nairobi.




Xaruntan waxa ka hawl-galay oo shaqada ka bilaabay dhakhaatiir ku takhasusay Xanuunnada Beerka,wadnaha iyo xanuunada kale ee Uur ku jirta.vlcsnap-2014-06-05-15h09m29s193




Dr. Cabdirisaaq Cabdilaahi Yuusuf oo ka mid ah Madaxda Cisbitaalkan ayaa Sheegay in adeegyada lagu qabto xaruntan bulshadu kaga maarmi doonto dhakhaatiir badan oo dibada loo tegi jiray.




Waxa kale oo uu sheegay inay dhaqaale ahaan ka jabnaan doonto bukaanka dibada loo dirayo, kharashkii qofka kaga baxayay dalka Maleeshiya iyo wadamo kale oo adeegyo caafimaad loo doonan jiray.




Dhakhaatiir ku takhasusay Cudurada Haweenka iyo caruurta ayaa iyaguna ka hawl-gala goobtan caafimaad, waxaana intaasi kuu dheer qaybta Jiifka Bukaanka oo ay heegan ku yihiin hawl-wadeenada caafimaadku mar walba, sida uu sheegay Dr. Cabdirisaaq.




Halkan ka Daawo, waraysi: