Nairobi(GNA)-Budhcad badeed Soomaali ah ayaa sii daayay 11 la hayste oo Ajaanib ah, kuwaasoo ay xeebaha Soomaaliya ugu afduubnaa muddo afar sanadood gaadhaysa.
Shaqaalahan oo u kala dhashay Dalalka Hindia, Bangaladesh, Iiraan iyo Siri-lanka, ayaa la afduubay sanadkii 2010-kii, waxaana lagu afduubay markab magaciisa la yidhaahdo MV Albedo oo Xeebaha Degmada Xaro-dheere.
Shaqaalahan ayaa intii markabka ay la socdeen degey isagoo gacanta ugu jira Budhcadda, ayaa dhibaatooyin badan la kulmay,sida uu sheegay Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia Nikolas Kay oo ka hadlay soo deyntooda.
Danjiraha ayaa sheegay inay 38 qof oo la hayste oo kale wali gacanta budhcad badeeda ku jiraan.
“Muddo ka baddan seddex sanno ayay la-haystayaashii iyo qoysaskoodii dibu kulmi doonaan. Shaqaalaha waxay dhibaato kala kulmeen burcad-badeedda, kadibna waxaa lasoo xiriirtay dhibaato ku saabsan markabkoodii oo degayay, kadibna waxaa lagu hayay xeebaha, ayagoo ku jiray arrin dhibaato badan. Waxaan boogaadinayaa dadaalaka ay sameeyeen saraakiisha xafiiska UNODC iyo mas’uuliyiinta (Soomaaliyeed ee maxaliga ah), kuwasoo fududeeyay inay si nabad ah shaqaalahan maanta dib ugu helaan xorriyadooda. Inkastaoo aan aragnay inay si wayn hoos ugu dhacday dhibaatadii burcadbadeedda ee ka jirtay xeebaha Soomaaliyeed sannadihii lasoo dhaafay,” ayuu yiri danjire Kay.
Sidoo kale, danjiraha ayaa intaas ku daray. “Waxaan ka walaacsan-nahay 38 shaqaale kale ah oo weli ku jira gacanta kooxaha burcad-badeedda ah. Waxaan ugu baaqayaa dadka haysta shaqaalahaas maraakiibta in ay soo daayaan dib u dhac la’aan, si shaqaalahaasi ay mar kale ugu tagaan qaysaskoodi iyo eheladoodii.”
Shaqaalahan ayaa lagu wareejiyey saraakiil ka socda Hay’adda UNODC, ee qaramada midoobay u qaabilsan daroogooyinka iyo dambiyada, waxaanay Maanta gaadheen dalka Kenya.
Gobanimonews
Garoowe Office
Email: editor@gobanimonews.com