Pages

Sunday, June 8, 2014

Aleylehe Khilaafkii Kulmiye hala xaliyo!!


GAYAXA HASHII AAN KA FUREY GABANTII NUUGEYSEY




GAAMEELADA IYO HASHII KURUSKU GOOBEYSTEY




WAX LA YIDHI HADAA GOODIRKII LAGU GABRAARTAA




WAX LA YIDHI GAL DAAYEER CABEY HABARI GEYSAA




WAX LA YIDHI GOL BAA LAGU XIDHAA GEED WARAABE LEH




WAX LA YDIHI GUJAA LAGU  LISAA LABADA GOOROOD




GOL QANIINA WAA LOOGU DAREY YAANEY GAAGIXINE




GOBAAD WAXAY LA DAAQDAA SAGAAL GORROYO CAWLEED.




Alle naxariistii jano ha ka waraabiyee abwaan Maxamed Ismaaciil Diiriye oo ku magic dheeraa Qaasim oo ka hadlaya gobanimadii aynu qaadaney iyo dawladnimadii iyo sidii ay gacanta ugu gashey gaarayacuun aan garaneyn milgaha hogaamineed ama qarranimo, maanta ayaad is odhan kartaa wey taagan tahay.




Waxase haboon iney bulshadu barato marka horeba sida looga adkaado kuwan  aan aqoon milgaha hogaamineed. Arimahaas oo ay kow ka tahay qaynuunka ay wadaagaan oo ay ilaashadaan.maxaase kaaga gidhiisha gollihii aad soo doorateen ayaa horsed ka ah jebintii xeererkiina. Iyaga ayaa xaggooda leydinka soo dhacay. Waxa keliya ee aad ilaashataana waxa uu noqdey nabad gelyada. Waa taas iyada oo shacbigii dhiigooda la cabayo lagu tacadiyayo afarta odey ay leeyihiin nabad gelyada ha la ilaaliyo. Si marka aad u eegto waa arin wacan hadiise dhinac keliya uu nabada jeclaado kii talad loo dhiibteyna waxa uu doono sameeyo xaalku wuu ka duwanaanayaa. Maalmahan u dambeeyey waxa jirey qas iyo xiisad hallis badan oo kow uu ka ahaa xisbiga tallada hayaa, kaas oo aad moodo in aanu u baahneynba cid kale oo mucaarid ku ahba, xisbigii dhamaa ee aan talladii qarranka u dhiibaney ayaa SHANI isla dhacay.madaxana iskul jira. Run ahaantii




Waa wax lagu farxo in xisbigan saamaha  jiidanaya  ee dulmiye buuqiisa la damiyo wadadii la doono ha loo maree. Hase yeeshee waxa xitaa iyaga laftoodu ama gudoomiyahoodu ka marag kacay in uu yahay xisbi qabyaalad ku dhisan oo aaney kajirin wax lagu tilmaamo dimuquraadiyad, arintaas oo leyska wada ogaa. Waayo , wadankan soomaliland waa qaran ku caano-maaley nabad gelyo. Waa qaran cadawgiisa koowaad uu yahay kii hadhuubka xoorka leh hasheena maandeeq ku maalayey. Soomaalida ayaa ku maahmaahda raqo ninkii lahaa dabada hayaa ma kaco. Waa dhab wixii qarrankani lahaa oo dhan ninkii loo dhiibey ayaa loo taaglaayahay oo laga laayahay carruurtayadu nabad ha ku seexato ee amaanka noo ilaali. Isagii ayaa saamo jiidanaya oo diidan in sanqadhiisa la maqlo. Maanta waxa markhaati ma doon ah xukuumada ina sanweyne in aaney dan iyo muraad ka lahayn in qarrankani dunida gees ka raaco. Waxase is weydiintu tahay side ayey dimuquraadiyada maanta dabadeeda ka noqotey ee qarrankani noqon doonaa.  Marka arin kasta uu noqdo odey hebel iyo odey hebel ayaa xalinaya. Maxaa inoo diidey in qawaaniinta aynu dejiseney  taageeradooda laga badheedho  oo aynu noqono bulsho ku kala socota xeererkooda iyo dastuurkooda ? waa nasiibdarro inagu habsatey oo hadii aynaan ka gaashaman isla mar keliya sida time bomb inagu wada qarxaysa. Xisbiyada kale ee qarrankan ka jira sidan oo kale wey soo mareen  oo wey is qabteen. Maxkamadaha wadankan ayey isla galeen. Xilligaa haydaha cadaalada iyo garsoorkaa ayaa sii noolaa iyaga ayaana  kala saarey. Waxase is weydiintu tahay. Waa maxay sababta xisbiga xukuumada guurtidu u soo gashey ee ay haydihii garsoorku u dhex geli waayeen? Wey iska cadahay oo maanta ma jiro meel inoo fayow oo dhaameelka dawlada ka xor ahi. Waxa kale oo is weydiin mudan binu aadmigu dhacdooyinka soo mara waxay ka dhaxlaan waayo aragnimo si ay uga gudbaan dhibta ku timaada timaadada dhow. Maxaynu casharadaa ina soo mara aynu wax uga baran la nahay ?




Waad arkeyseen sida uu xisbigaa kulmiye qarrankeena hallista u gelin gaadhey. Waa la wada arkayey qabyaalada iyo qudhunka la soo faqey ee ka soo kaca yaa reer hebela  la lahaa. Waxaas dhacaya oo dhan waxa madaxa saaranaya ninkii aynu dooraney ee duubka aynu u geliney kii ayaa weliba kursigii caashaqey oo geeso yeeshey isla markaa isaga oo aan sameyn wax lagu jeclaado maanta raba in uu shan dambe madaxa ka cadeeyo reer somaaliland. Kalluunku haduu madaxa ka qudhmo waa la tuuraa. Ina sanweyne wuu tagayaa  ee sii tukhaan tukhiya. Maalmo la tiriyey waa berito food xor iyo xin ah ayaad ku keenteen maanta idinka oo qarranimadiina iyo sharafkiina ilaashanaya fartiinu yaaney idin gabin.  Ceebo laxaad leh ayaa ina dul hoganaya mustaqbalkeeni ayey xukuumada tiiraanyo booraan ku sii wadaa. Ciidamo argagixiso ah ayaa shacabkii loo sameystey oo waxaynu cagta saarey dhabihii ina siyaad ee NSS dadka uu u adeegsan jirey. Waxa shacbiga xalaasha ah la gudboon in laga tashado xisbigan macangaga ah ee maatida saqda dhexe weeraraya. Waxa keliya ee aynu ku tuureyna talliskan waa inaga oo gacanta is qabsana qolo qolan iska fogeyna. Waayo qarran iyo qabiil waa laba aan is qaadi Karin. Xitaa waxa inagu ceeb ah in xukuumadani hogaanka inoo sii hayso wax ka badan intii hore ee aynu u ilduufney.




Allaa mahad leh




WACAYS  AXMED  MAXAMUUD




BARRE ADDUUNYO




Frankfurt, Germany




bareadunyo@gmail.com