Saturday, June 7, 2014

Al-shabaab iyo ONLF oo midba midka kale iska fogeeyey inuu xidhiidh ka dhexeeyo


Abu-muscab: ONLF waa ka madnuuc dhulka Al-shabaab ka taliso…




Muqdisho(GNA)-Ururka Al-shabaab ayaa iska fogeeyay xidhiidh ka dhexeeya Jabhada ONLF ee ka dagaalanta deegaamada Ismaamulka Soomalida Itoobiya, kaddib markii dhawaan lagu eedeeyey inay gudaha soomaaliya dagaalo ka dhacay ka qayb qaateen.




Guddoomiyaha gobolka Bakool ee Dawladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Tall ayaa sheegay in xoogag ka tirsan jabahadda ONLF ay dagaallo ka dhacay gobolka Bakool qayb-qaateen todobaadkii la soo dhaafay.




Ururka Al-shabaab iyo ONLF ayaa labadooduba waxba kama jiraan ku tilmaamay warka ka soo baxay Dawladda, waxaanay caddeeyeen inaanu jirin habayaraatee isbahaysi ka dhexeeyaa.




Jabhadda ONLF, ayaa in ku dhow lixdan sanadood u dagaalamayay sidii ay Kilalka Soomaalida ee Itoobiya uga hoos saari lahaayeen Itoobiya, isla markaana u xorayn lahaayeen, waxaana lagu tilmaamaa dhaqdhaqaaqyada ugu taariikhda dheer Gobolka.




Afhayeen u hadlay ONLF ayaa sheegay inaanay ka qayb qaadan dagaallo ka dhacay gudaha Soomaaliya.




“ONLF waxay ku sugantahay gudaha Itoobiya ee kama dagaalamaan Soomaaliya”ayuu yiri Ninka u hadlay madaxda ONLF.




Geesta kale, Afhayeenka howlgallada  ururka Al-shabaab, Sh. C/casiis Abuu Muscab oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ONLF ka madnuuc tahay Dhulka ay Al-shabaab ka dagaalanto.




 “Wararka sheegaya inuu jiro xiriir ka dhexeeya ONLF iyo Al-shabaab waa been cad oo ay faafiyeen kuwo aan beenta ka xishoon. Waxaa la og-yahay in ONLF ay mamnuuc ka tahay agteenna, dhulka aan joogna aanay imaan karin, marka ma suuro-galayso wax dhici karana ma ahan inaan xiriir la sameynno,” ayuu Abuu-Muscab yiri.




Sidoo kale, afhayeenka ayaa intaas ku daray in iyaga iyo jabhadda ONLF aanay isku mabda’a ahayn, isla markaana aysan shareecada Islaamka aanay marnaba u dagaalamin ee dagaalkoodu uu yahay mid siyaasadeed oo ay xukun doon ah.




Sida laga war qabo labada kooxood ayaan ahayn kuwo wadaaga mabaad’iida ay u dagaalamayaan.




ONLF, ayaa sanadihii ugu dambeeyey aad loo wiiqay awooddii dagaal ee ay ku lahaayeen dalka Itoobiya,kaddib markii qayb ka mid ah hogaankii Jabhadu heshiis la gaadhay dawladda deegaanka Soomaalida.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com