Pages

Sunday, May 18, 2014

Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa oo Geeriyooday


Xildhibaaan




Hargeysa(GNA)-Alle ha naxariistee waxa Caawa geeriyooday Xildhibaan Deeq Ducaale Cismaan, oo ka tirsanaan Golaha deegaanka Magaalada Hargeysa, kaasoo Xanuun u jiifay beryahan dambeba sida ay Gobanimo u xaqiijiyeen xubno ka mid ah Asxaabtiisu.




Xildhibaanka Geeriyooday ayaa ka mid ahaa afar Xildhibaan oo Urur Xaqsoor uga soo baxay Magaalada Hargeysa, Doorashadii sanadkii 2012 dalka ka qabsoontay.




Marxuumka ayaa ka mid ahaa xubnaha ugu da’da weyn Golaha Deegaanka Hargeysa oo dhalinyaro u badan.




Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa dhambaal tacsi ah u diray Marxuumka.




Sidaana waxa lagu sheegay War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada goor dhaweyd, kaasoo u dhignaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Golaha Deegaanka Maroodi-jeex isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Deeq Ducaale Guuleed oo ka tirsanaa Golaha deegaanka Hargeysa kuna geeriyooday 17.05.2014 Hargeysa.




Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taasi la mid ah u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay Marxuumku.




Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan Saadiqa ka siiyo.




IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN”




Waa Xildhibaankii saddexaad ee ka baxa Golaha Deegaanka Caasimda Hargeysa, waxaana bedelaya sida sharcigu yahay xubintii ku soo xigtay Ururkii uu ka tirsanaa ee Xaqsoor.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com