Pages

Saturday, May 17, 2014

“Telefoonkiisii Ma Qabanayee Sideen Ugu Yeedhaa” Taarabt Oo Xulka Marroco Laga Reebay


Kubad sameeyaha kooxda AC Milan, Adel Taarabt ayaa laga reebay xulka  qaranka Morocco ee ciyaaraha saaxiibtinimo la yeelanaya qaramada Mozambique iyo Russia kadib markii uu telefoonka ka qaban waayay tababare Badou Ezzaki.




Laacibkan 24 jirka ah , ayaa xulka qarankiisu dhib badan ku qabaa , sidan oo kalena looga tagay tartankii dhamaa ee koobka qaramada qaarada Afrika ee sanadkii 2012.




In kastoo uu kabtan u ahaa xulka qaranka ciyaartiisii ugu dambeysay ee ay yeeshaan oo ahayd tii ay la ciyaareen wadanka Gabon, si weyna loo rajaynayay inuu u safan doono labada ciyaarood ee xiga , waxa mar kaliya laga waayay liiska uu soo safay tababare Ezzak, kaas oo sheegay inuu waayay meel uu kala xidhiidho , maadaama aanu ka jawaabayn telefoonkiisa.




“Sidaan horeba u sheegay, sideen xulka ugu soo dari karaa oo ugu yeedhi karaa , nin aan doonayn inuu qabto telefoonkiisii gacanta ama ka soo jawaabo fariimaha aanu u diraynay.’’ Ayuu tababaruhu ku yidhi saxaafada




‘Idinkuna (saxaafada) arintan si weyn baad u buun buuninaysaan ,  waxaa I horyaala qorshayaal kale oo ay ciyaaryahano badani ku doonayaan inay xulka kaga mid noqdaan , oo waxtar gashadaan qarankooda , haddii uu jiro qof aan rabini , dee anaguna wadiiqooyin kale ayaanu uga wareegaynaa oo isku hawli mayno.”