Pages

Saturday, May 17, 2014

Silanaa Saxafi Qallinkisa Siyaasi Suulka U Qabtay!!


11




Ma sina waanay kala sifooyin duwan yihiin laakin waxaynu diirada saaraynaa qaar ka silbaday samaantii suxufinimo,inta samaha jecelna waynu saafi ,ka jeebada siyaasiga noqdayna diirada muuqa dheer ayaa qaban ,xaglinmaynee waynu xusi oo la xasuusin .waa sabban  siyaasi iyo suxufi  safka hore ka galeen soomal haadka bulshada ku dhacay  .




 




Waxay khabiirrada saxaafadu cadeeyeen  in suxufigu yahay hagaha tilmaamaha, Taageeraha iyo  toosiyaha bulshada isagoo u soo bandhiga xogaha ay tabayaan  kana eegaya dhinacyada danta u ah dadwaynaha. Halbeegiisa shaqona yahay sinaan dhexdhexaad cadaalad iyo shaqo wanaag.




 




Taasi laga gudub iyadoo saxaafada lagu gabraaranyo ayaa waxa salafka ku giijiyay siyaasi  isagoo u holanaaya inuu hiil u noqdo qalinkana ku qardoofo siyaasiga ka soo horjeeda ,waxa uu xajiin marinayaa mid kale oo uu xangaruufanayo isagoo u xaglinaya ninka qalinkiisa caqliga ka maamulaya  una huwinaaya hadalo horseed u ah inuu kan kale ku hodmo kuna helo taageero shacab oo dhalanteeda.




 




Suxufigii aan xilkaska ahayni wuxu  isu bedelay seef u adeegsadoo shaqsi iyadoo haaneedka u qabanaysa siyaasi damaciis amarinaaya qalinka hibada badan ee bulshadu ku baratay dhexdhexaad iyo xagalin l’aan, saxaafadu waxay ahayd muraayada la iska arko lagana dheehdo wanaag iyo samaan soo bandhigida iyo daah ka faydida siro qarsoon,waxana sifo qaldan u adeegsaday suxufi jabiyay sunihii saxaafada.




 




Qoramadan aan qalinka u qaatay kuma qotonto inaan cid ku qardoofo qalinkayguna xaglin xeerkiisa maaha waxan iftiimin doonaa caado inagu soo korodhay oo qabiil dabada ku haysa sudhnaasho saxafi ka timid oo laabta ku haysa siyaasi reeraysan , Ma sheegganayo waayo aragnimo dheeri ah waanan la mid ahay kuwa aan tilmaami doono waxaaynu isla eegi suxufiga qalinkiisu qalindaarka necebyahay iyo suxufi ku suntan sifo samaani ka dheertay.




 




Tobankii sannlo ee u dambeeyay waxa soo baxday saxaafad u badan dhallinyaro  way wanaagsantahay inay dhallinyaro haaneedka u qabato qalinka somalida laakin waxay ku milmeen siyaasada somalida ee soddon sanno ku dhawaad heehaabadka ah iyadoo in badan laga qaloociyay qalinkii sugnaanta iyo dheelitirka halbeega u ahayd, waxana lagu dheehay in looga faa’idaysto sida uu doonayo danaystaha ku saaqiday siyaasada salaankeedii qodxaystay ee somalida dhexdeeda , waxa uu u baydhay hab caadifadasan isagoo guluf ku qaadaya mid dhadhamadiisa buuxin waayay, dhulkana ka qaadaya kan dheefta badan ,waxa uu isku badalay dhuuni raac u dheeliyay dhinac qudha.




 




Miyaanay saxaafada mamnuuc ka ahayn in la sameeyo Xaglin,




 




Miyaanay saxaafada mamnuuc ka ahayn in la sameeyo danaysi,




 




Sawtii saxaafadu ku soohnayd dheelitir iyo dhexdhexaad sugnaan iyo sifo wanaagsan




 




Sawkii Hal Abuur suxufi Sidiiq Maxamed Burmad hoga tusaaleeyay isagoo hareeraha ka tusay sifaha suxufiga xorta ah




 




Anigu cidna uma Xagliyo




 




Xer Gaar ahna uma shaqayn




 




Xisbina Waligay Ma Galin




 




Waxaan ahay Wariye Xor ah




 




Dadkaa Xulufaysi nahay




 




Waxan furay mid ka mid ah website-yada somalida waxaan halacsaday maqaal meel wacan ka soo widh widhaya markaan gudaha u galay waxaan arkay in suxufigan qalinkiisii loo qaloociyay ku qadhaabsasho qoor qabad u ah siyaasi , waxa uu eedo u hagoogay cid kasta oo ka soo horjeeday kan uu la saftay ee qalinkiisa daba haya, isagoo ka dhigay mid xumo ka nasahan waa xariir waxanu ku xardhay sifo uu safka hore soo dhigay laakin dad badan ay saluugeen qalinkan qaddar jabay ee qiimihiisii lagu tiray u heelnaan cid gaar ah,




 




Sawkii Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame ‘Hadraawi” Maansadiisii Wariyaha ku lahaa




 




Wallee iyo Billan Maray




 




Iyo wacad illahay




 




Warshadaha saboolkiyo




 




Wadhatadad la qaybsaday




 




Wiil ay dhashaan ahay




 




Weeraarta hoosiyo




 




Waaheel rug sare furan




 




Marka laysku kala Waco




 




Ninka labada waaxood




 




Danyar weheshadaan ahay




 




Waa sax waxa uu iftiiminayay in markasta suxufigu hiil u yahay dadka aan codka alahayn ama aan hadli Karin ,waa danyarta la hurguftay ee siyaasigu hadal wanaagsan oo halkaa lagaga tagayo uu haaneedka ugu qabto




 




Marka taasi la eego waxa wacnaan lahayd in suxufigo garto waajibkiisii  isagoo salka u dhigaya sifihii suxufinimo kuna suntaya sugnaan iyo dheelitir.




 




Alle Ha u naxariistee Abwaan Gaarriye Marka uu ka hadlayay awoodda qalinka ,sida wax loogu soo bandhigo  iyo inaan loo adeegsan wax noloshaada qiimo tira waxa uu lahaa




 




WALLEE QALIN DARAALAHA,




 




DANBI QARANKA LAGA GALAY,




 




 KAMA QARIYO WADHATADA




 




Taasi way is bedashay wixii aan maatida laga qariyeen waa loo qariyaa oo waxa meesha ka saartay qolo ku qiimaynaya  qabiilka uu yahay mana laha wax  iina waa siyaasi xumo ka nasahan sifo wanagsana leh waayo iyagu uma haystaan inay ku hodmi doonaan ilayn waxa sifihii uu lahaa qalinka ku saxay suxufi sandareero yar ka qaatay siyaasigii sifaha qaldan iyo qiimo tirka bulshada ku foognaaye, waxaa suxufigii waxanu noqday mid ku jira jeebad qof kale .




 




Ma sina oo isku mid maaha laakin waa inta badan way jiraan suxufi asluub aqoon iyo karti eebbe ku manaystay dadkooda ugu adeega una dooda una soo bandhiga baahiyohooda , laakin waatii hore loo yidhi baruur ayaa baruuryo qudhmisa




 




Suxufiyiinta haatan salaanka soo koraya ha hiigsadaan wadooyinka ay mareen inta u heelan hareer is taagga bulshada waxna ku soo kordhisa laakin yaanu qalinkoodu qaloocan  ,yaan lagu shubin lagana shuban ,yaanay noqon canjalad wax lagu duubo dibna loo dhagaysto ….




 




 




 




La soco ……………………….




 




Qalinkii Khadar Nuux Yoonis




 




knyonis@gmail.com




 




Journalist,Hargeisa SL