Sheikh(GNA)-Shirkadda Korantada Gobollada Bari ee BEDER ayaa Adeegyaddeeda ka hir-gelinaysa Magaalada Sheikh ee Dalxiiska iyo dhanka Waxbarashada.
Shirkada oo adeega laydhka ka bixisa Gobolo badan oo dalka somaliland ah ayaa Degmada Sheekh ka wada hawl laydh balaadhin ah isla markaana shirkadani waxay fulisay laydh habeenkii iyo maalintii ah,iyadoo xarun wayn oo mishiinada la dhigayo ka dhisaysa magaalada sheikh.
Sidoo kale dad waynaha reer sheekh ayaa aad usoo dhaweeyay maadaama aanu laydhku gaadhi jirin xaafada shacabka iyo waliba dhinaca xaafada dariiqada,waxaanay dadwaynaha reer sheekh shirkada ku bogaadiyeen laambadaha dhanka Ammaanka ee Badhtamaha magaalada iyo meelaha madowga ah ay ka shiday oo ay sheegeen in ay wax wayn ka tartay nabad-gelyada.
“aad baanu usoo dhaweynaynaa shirkada laydhka ee beder dhibaato ayaa naga haysatay xaga laydhka oo fiidkii ayaa magaaladu madaw noqon jirtay waxaanay wax ka taraysaa xaga wax barashada ardaydu xiligay doonaan bay wax akhrisanayaan” sidaas waxa tidhi mid ka mid ah haweenka reer sheekh oo Gobanimonews uga warantay faa'iidada laydhka Beder kusoo kordhiyey magaalada sheekh.
Dhanka kale Mareeyaha guud ee shirkada laydhka ee Beder Khadar Jibriil Aadan ayaa sheegay inay Shirkaddu dabooli doonto baahida laydh ee ka jirta Degmada sheikh.
Waxaanu Gobanimonews u sheegay''Magaalada sheekh waa magaalo taariikhiya oo waliba caan ku ah dhinaca wax barashada sidaa awgeed waxaanu daboolidoona baahida laydhka ee magaalada sheekh waxaanuna gaadhsiin doonaa xaafad kasta oo laydh u baahan anaga ayaa isu qabna waayirada iyo biraha waad arkaysaan oo shubab casri ah iyo dhismihii mishiinada la dhigayay oo casri ah ayaanu hada hirgalinay,waxaanay ku kacaysaa Boqolaal kun oo doolar si aanu u raali galino macaamiishayada.sidoo kale meelaha danta duud iyo dariiqyada ayaanu adeega magaalada sheekh ka daboolaynaa”. ayuu ydhi maareeyuhu.
Magaalada Sheikh ayaa waxa ka dhisan xarumo waxbarasho oo Taariikhi ah, sida Dugsiga Boodhinka ah ee SOS, Dugsiga Tababarka Xanaanada Xoolaha iyo Kuliyaddo Ciidanka lagu tababaro.
Waana Magaalo Qadiimi ah oo ay hada ka socdaan Malgashiyo dhif iyo naadir ku ah Somaliland.
Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews
Burco Office