Pages

Tuesday, May 20, 2014

Saddex qof oo lagu Dilay Deegaamo hoos yimaada Buuhoodle xalay iyo Maanta


Dad ku dhintay weerraro gaadmo ah oo ka dhacay Yucuboole, ayaa lagu aasay Buuhoodle…




Yucuboole(GNA)-Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay Deegaamo kala durugsan oo ka tirsan Buuhoodle Xalay iyo Maanta, kaddib markii Kooxo hubaysani weeraro gaadmo ah ka geysteen halkaasi.




Weerar Gaadmo ah oo xalay lagu qaaday Dad xoolo dhaqato ah, deegaanka Yucuboole oo dhawr iyo toban Killomiter u jira Buuhoodle,  ayaa lagu dilay laba Nin oo mid ka mid ahi ka tirsanaa Kooxda Weerarka qaaday.




Dad goob-joogeyaal ah ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in Dilkaasi dhacay xalay saacad dambe,kaddib markii niman hubaysan weerar gaadmo  ah ka fuliyeen halkaasi, kaasoo ay ku dileen Nin xoolo dhaqato ah oo Guri hor hurday, halka Ninka kale ay iyagu dhexdooda iska dileen, markii ay dilka hore geysteen.




Nimanka weerarka qaaday ayaa ka soo jeedda deegaanka Qorulugud, halka ka ay dileena ka soo jeedo Buuhoodle.




Dil,Warar iskhilaafsan




“Markii ay dileen Ninka reer Buuhoodle ee ay  noqdeen, ayaa ninka kalena oo la socday balse ka yara leexsanaa, ay rasaas ku fureen. Waxaanay moodeen cid kale oo ka daba timi, sidaasaanu kaasina ku dhintay”sidaasi waxa sheegay goob-jooge deegaanka ku sugan oo khadka talefoonka noogu waramay.




Dilka ninka dambe ayaa warar iskhilaafsani ka soo baxayaan, waxaana dadka deegaanka qaarkood goor sii horaysay noo  sheegeen in weerar laga soo daba qaaday lagu dhaawacay, kaddibna saaka isagoo dhaawac ah ay dileen deegaanka xalay ninka laga dilay.




Maydad la keenay Buuhoodle




Labada Nin ee xalay lagu dilay Yucuboole ayaa Maanta lagu aasay Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Cayn, halkaasoo maydkooda saaka loo soo qaaday.




Dil kale oo saacado ka dambeeyey




Dhinaca kale, Nin kale oo xoolo dhaqato ah oo ka soo jeedda Deegaanka Widh-widh ayaa maanta lagu dilay meel la yidhaahdo Balan-balle oo u dhaxaysa Sool-joogto iyo Maygaagle.




Todobaadkii hore ayaa deegaankaas iska hor-imaad ku dhex maray labada Beelood oo hore ugu dagaalamay Deegaanka Kalshaale.




Dilkan ayaa dhacay saacaddo kaddib kan hore ee Yucuboole xalay ka dhacay,waxaana loo aanaynayaa inay ka dambeeyeen mid ka mid ah Kooxihii halkaasi horey ugu diriray.




Faahfaahin dheeraad ah lagama hayo dilka ka dhacay Yucuboole, balse wariyaha Buuhoodle ee Gobanimonews ayaa sheegaya inay xaalada deegaanku degentahay, maydka Ninka la dilayna loo qaaday dhinaca Degmada Horufadhi.




Xiisadan ka soo cusboonaatay Buuhoodle iyo Qorulugud ayaa u muuta mid sii huraysa oo u baahan in wax laga qabto.




Wasirro booqday Todobaadkan oo Aamusan




Xukuumadda Somaliland oo halkaasi dhawaan wefti wasiirro ah u dirtay ayaan ilaa hada wax faahfaahin ah ka bixin waxa ay ka qabatay dhacdooyinkan isa soo taraya.




Dadka deegaamadan Oodwadaagta ka ah ayaa saddexdii sanadood ee ugu dambeeyay colaad ehli ahi ka dhaxaysay, taasoo ka bilaabantay Deegaamaynta Ceelka Kalshaale.




Gobanimonews




Buuhoodle Office