Muqdisho (GNA) Wararka aan ka heleyno Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhaw garoonkaasi uu kasoo dagay R/Wasaarihii hore ee Xukuumadii KMG Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke.
Sargaal katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa noo xaqiijiyay in Garoonka Goordhaw uu kasoo dagay R/Wasaarihii hore Cumar Cabdi Rsahiid iyo xubno kale oo lasocda kuwaa oo lagu soo dhaweeyay Gudaha Garoonka Diyaaradaha .
Sida Wararka ana ku helnay Waxaa R/Wasaarihii hore garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Xubno katirsan Masuuliyiinta xarunta Madaxtooyada Soomaaliya waxaana lagu galbiyay gaadiidka gaar ah ee Madaxtooyada .
Cumar Cabdi Rashiid ayaa kamid ahaa Siyaasiyiin dalka xilal kala duwan kasoo qabtay oo si weyn uga soo horjeeday Dowlada Federaalka uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh, waxa uuna hurmuud u ahaa dadkii dhisay Maamulka Jubba ee Dowladu kasoo horjeeday dhismihiisa ,lamana oga waxa hada siyaasadiisii hore iska badalay Cumar Cabdi Rsahiid.
Waxaa horey Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ku sugnaa laguna arkay R/Wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi oo isna kamid ahaa Mucaaradka ugu weyna Dowlada Federaalka, waxaana xiligan imaanshaha R/Wasaarayaashii hore ee Dalka imaaneysa xili Culees siyaasadeed uu heesto Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.