Thursday, May 15, 2014

Nin xareed Ladaabtaa marbuu Lidiq cantuugaa!!!


Dhinac kasta oo aad aduunyada ka eegto waxaad arkaysaa daliilo cadcad oo kuu muuujinaaya inaanay lahayn isku halayn maalin maalmaha ka mid ahna  aad ka tagi doonto waxaa kaliya ee kaa raaci doonaana ay noqon doonto maro yar oo cad oo lagugu duubo iyadoo kan kugu xiga ee kugu jecela waxaa uu dhahayaa waar ciida u badiya oo maydka inaga qariya.




geesta kale aduunyada waxaa jira maraaxil kala gadisan oo maalinba waa cayn waxaana is wada daba yaala darajooyin iska soo hor jeeda tusaale hadaan soo qaadano hadaad maanta baahan tahay oo aad ku samirto waxaa uu ilahay kugu badalayaa qaninimo iyo darajo sare dhinaca kale hadaad qani tahay oo aad ku mahad naqi waydana waxaa laguugu badalayaa faqri waanad duloobaysaa sidaa kasoo horjeedkeeda hadaad ilahay maalka uu ama mansab ka uu ku siiyeey ugu mahad naqdo ilahay waa kuu sahlayaa waxkasta waana kuu barakoobaysaa.




waxaa jira darajooyin is wada abayaala sida kuwan oo kale gaajo dharagbaa aba yaalal, dharagana gaajaa daba taala.madaxtino mijaa abayaala macnaha xaaladkasta oo aad aduunyada ku sugan tahay laguma waaraayo waxaad arkaysaa nin shalay madax ahaa oo maanta mijo ah waxaa kale oo aad arkaysaa nin shalay mijo ahaa oo maanta madax ah.




waxaad arkaysaa nin shalay qani ahaa oo maanta faqiir ah waxaa kale oo aad arkaysaa nin shalay faqii ahaa oo maanta qani ah dhinaca kale waxaa isdaba yaala caafimaadka iyo cudurka waayo waxaad arkaysaa nin shalay caafimaad qabay oo maanta xanuunsan iyo mid shalay bukay oo maanta boodaaya waanay is wada daba taalaa waana sune ilaahi ah oo qofkastaamaraayo waxaana loo baahan yahay in taasi loo diyaar garoobo oo aan la isku halayn la isna dhigan  lagana xamaan urursado loo sahay qaato maalin aakhiro ee rasmiga ah.




waxaanad niyada ku haysaa halku dhigii ahaa NIN XAREED LADAABTAA MARBUU LIDIQA DHUUQAA.




taasi oo macneheedu yahay waligaaba cosobso oo daag iskuna iloow aduunyada maalinbaa lagu qaban oo ta dhabta ah lagu taabsiin.




madaama oo ay sidaa tahay waxaa la inooga fadhiyaa inaan ku mashquulo wax ilahay raali galinaaya aakhirana ina badbaadinaya taasi ayaa lama huraan ah.




waxaa kale oo loo baahan yahay inaan ku samirno hadba xaalada aan ku suganahay si kasta oo ay tahay haday adag tahay iyo haday wacan tahayba waayo haday wacan tahay oo aad ialahy ugu maha naqdo ilahayna waa kuu siyaadinayaa hadaad baahan tahay oo aad ku samirtana ilahayna waa kaa dul qaadayaa oo ilahay waxaa uu kaa dhigayaa qani.




sidaa awgeed waxaan u baahanahay in aan fahamno taasi oo aan ogaano kaliya ilahay ina badbaadin karaayo dhinac kastaba ay tahayna inaan ilahay ku xidhnaano.




W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED ( ABU CIZA)