Pages

Monday, May 5, 2014

Muuse Biixi: Waxaan ahay Musharax Madaxweyne”Daawo


"Muuse Biixi oo Samaale Albaabka Musharaxnimada ka furay iyo Siilaanyo waajahaya loolan godobbo hore tirsanaya




Madaxweynaha Kulmiye oo lagu tartamaa ma daweyn doontaa Dhaawicii uu xisbigu u geystay  Dimuquraadiyada ?"




muusesHargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaca ka qaaday inuu Musharax Madaxweyne u taaganyahay shanta sanadood ee soo socda.




Hadalkan ayaa ka soo yeedhay Muuse Biixi Cabdi todobaad kaddib markii loo ansixiyay Guddoomiyaha rasmiga ah ee Xisbiga Kulmiye,shirweyne laba maalmood u socday oo Hargeysa ka qabsoomay.




Halkan ka Daawo:


https://www.youtube.com/watch?v=-CkeIpSHymE


“Horta Xisbiga markaad guddoomiye ka tahay sherkad ganacsi oo xoolo lakala faa’iidaayo maha, waxaan ugu jiraa inaan ku gaadho kursiga ugu sareeya dalka ee Madaxweynaha, wanan u sharaxanay qofkasta oo golaha dhexe ku jiraana xaq ayuu u leeyahay wanan soo dhaweynayaa, haddii uu Madaxweynaha hadda yahay iyo haddii cid kale ay tahayba.”ayuu yidhi Muuse oo u waramay BBC-du.




Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa hore u sheegay inuu shanta sanadood ee soo socda isku sharaxayo Madaxweyne, kaddib markii su’aal laga waydiiyay arrintaasi bishii Janaury  ee sanadkan.Siilaanyo iyo Muuse




Madaxweyne Siilaanyo




“ma jiro wax ii diidaya inaan Madaxweyne isu sharaxo shanta sanadood ee soo socda”ayuu Axmed Siilaanyo ku jawaabay isagoo warbaahinta kula hadlay madaarka Hargeysa oo uu ka soo degay, kaddib safar uu dibada ugu maqnaa.




Muuse Biixi oo la waydiiyay halka uu ka dhaafayo Musharaxnimada Madaxweyne Siilaanyo ayaa  ku doodday inuu la tartamayo  ”Madaxweynuhu xaq ayuu u leeyahay inuu teeramkiisi labaad tartamo, waana guul ayaan qabaa in aanu ku wada tartanto Xisbiga dhexdiisa, aasaasihii Xisbiga KULMIYE, inaanu wada tartano odaygii Xisbiga iyo ninkii uu Siyaasadda ku soo koriyay miyaanay guul ahayn.”




Cabdicasiis Samaale




Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo hore uga tanaasulay u tartamida Guddoomiyaha Xisbiga, kaddib markii lagu taliyay inaan lagu loolamin, ayaa sheegay inuu Madaxweyne isu sharaxayo shanta sanadood ee soo socda, hadii Madaxweyne Siilaanyo ka tanaasulo musharaxnimo dambe.




Musharaxnimada Muuse Biixi ku dhawaaqay, ayaa u muuqata mid dariiqa u furaysa in lagu tartamo Musharixiinta Madaxweyneha iyo ku-xigeenka ee Xisbiga u ordaya shanta sanaddood ee soo socda, taasoo ay rag badan oo xisbiga ku jiraa damac kaga jiro balse ka gaabsanayay inay caddeeyaan inay Madaxweyne Siilaanyo la tartamaan.




Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga




Musharixiinta Xisbiga ayaa lagu dooranayaa Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga oo saddex bilood kaddib lagu waddo inuu dhaco.




Golaha dhexe ee Xisbiga ayaa lagu kordhiyay tiro ka badan boqol xubnood shirweynihii todobaadkii hore qabsoomay, waxaana tirada guud laga dhigay ku dhawaad shan boqol iyo dheeraad.




Hogaanka Xisbiga iyo Xubnaha xukuumadda ee hunguriga Musharaxnimo ku jirto, ayaa  ku hirdamaya xulida xubnaha Golaha dhexe ee xisbiga oo ay 322 xubnood dhanka xukuumadda ka imanayaan, 241 kalena Beelaha laga codsaday inay soo gudbiyaan.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com