Saturday, May 17, 2014

Mucaaridka Somaliland oo la kulmay Wasaaradda Khaarajiga Australia


JAMAALSydney(GNA)-Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka, Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen , ayaa la kulmay haweenayda Wasaaradda Arrimaha dibada Uastralia  ugu sarreysay waaxda u qaabilsan Arrimaha Bariga Afrika Ms Raine Dixon, isagoo ku sugan Dalkaasi.




Kulanka oo 14-kii Bisha ka dhacay xarunta Wasaaradda ee caasimadda dalkaas ee Sydney, waxa uu Murashaxa Xisbiga UCID kala hadlay wasaaradda Arrimaha Dibadda Australia kaalinta uu waddankaasi ka geysan karo dhinac horumarinta adeegyada bulshada, doorashooyinka iyo sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen xidhiidhka dibloomaasiyadeed ee labada waddan.




Kaaliyaha wasiirka Arrimaha dibadda ee Australia u qaabilsan Bariga Qaaradda Afrika Ms Raine Dixon, waxa ay ka sheegtay  Xaddi lacageed oo dhan 10 Milyan oo Dollar oo dawladdeedu ugu talo-galay inay ku caawiso Somaliland iyo Soomaaliya, taasoo ay ka fekerayaan qaabka  lacagtaas loo bixinyayo iyo sida loo xaqiijin karo in loo maamulo sidii loogu talo-galay, sida uu sheegay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ka war-bixiyey waxyaabaha ay ka wada-hadleen wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Australia.




“Haweenayda aan la kulmay wax ay sheegtay inay diyaariyeen maaliyad dhan 10 Milyan oo Dollarka Maraykanka ah oo ay ugu talo-galeen inay ku caawiyaan Somaliland iyo Soomaaliya, Laakiin waxay sheegtay inaanay lacagta wali sii daynin oo ay ka baaraan-degayayso dawladda Australia qaabkii loo maarayn lahaa,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen oo ka war-bixinayey kulanka uu la yeeshay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Australia, waxaanu sheegay in uu ka codsaday kuna qanciyey lacagtaas gar-gaarka ah inay sida ugu dhakhsaha badan ee suurta-galka ah ugu caawiyaan shacabka Somaliland.




“Waxaan ku qanciyey baahiyaha waawayn ee ka jira dalka oo aad u badan dhinaca wax soo saarka Beeraha, iyo waliba horumar ay Somaliland ka nabada Iyo dimoqraadiyada. Dalka Ustareeliya waxay aad u yaqaanaan Beeraha iyo Xoolaha oo innagu xaggaasaynu isaga mid nahay, waxaanan u sheegay inay lacagtaas toos ugu caawiyaan Somaliland halkii ay uga sii marin lahaayeen hay’ad kale oo sii dilaasha. Runtiina, faa’iido weyn baan inoogu jirta haddii ay dawlada Australia barto shacbiga Somaliland sida looga faa’idaysto beeraha Iyo xoolaha. Shacbiga Somaliland waxay u noqonaysaa dhaxal gal oo waxa dhacaysa in ay Somaliland sii dhoofiso waxa ka soo baxa beeraha,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen oo ka war-bixinayey Waxyaabaha uu kala hadlay haweenaydan wasaaradda Arrimaha Dibadda Australia  u Qaabilsan Bariga Afrika.




Gobanimonews




Hargeysa Office